Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartameyaasha Degmada Wadajir oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartameyaasha Degmada Wadajir oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 11aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Wadajir Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bari, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir  Vs Boosaaso muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan  su’aal, halka ay iska qaldeen Labo  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Boosaaso, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Boosaaso

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxa ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Boosaaso,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boosaaso waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Deyniile iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Wasiirka Amniga oo sheegay inay socoto baaritaanno ku aadan dadkii ka dambeeyay falkii ka dhacay Garoonka

Next Post

State Minister for Foreign Affairs discusses with the Chinese ambassador to Somalia aspects of joint cooperation

Next Post
State Minister for Foreign Affairs discusses with the Chinese ambassador to Somalia aspects of joint cooperation

State Minister for Foreign Affairs discusses with the Chinese ambassador to Somalia aspects of joint cooperation

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

February 23, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi...

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

February 23, 2026
0

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In