Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 18aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Boondheere Vs Xamar weyne oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Boondheere Vs Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Boondheere

Tartameyaasha Degmada Boondheere Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, waxa ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Afar su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Boondheere, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Labaatan (20) dhibcood.

Hadaba kulankii 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 19aad  ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur

Previous Post

Tartameyaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax +Sawirro

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax +Sawirro

Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax +Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In