Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartameyaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartameyaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 18aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Hodan Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxa ay iska qaldeen Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Waajid: Golaha cusub ee deegaanka oo doortay Guddoomiye “SAWIRRO”

Next Post

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”

Next Post
Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar muhiim ah u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO(DIINSOOR):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In