Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Xudur Vs Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโaal ayaa waxaa caawa dhextaal u ahayd, isla markaana la guda galay isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Kaxda, ย iyoย sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.
Natiijada tartankii Quruxda badnaa ee dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Xudur iyo Kaxda waxey noqotay sidan:-
Xudur
Tartamayaasha Degmada Xudur sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโaal, waxaana suโaallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex suโaal oo waxa ay qaldeen afar suโaal,ย waxa ay si ka faaโiideysi ah u heleen Labo suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Kaxda, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Xudur ay heleen noqoneysaaย 10ย dhibcood (Toban dhibcood).
Tartamayaasha degmada Xudur ayaa waxaa caawa lagu qaaday xeerka u degsan tartanka, maadaama suโaal soo hareermartay tartamaayasha Kaxda ay ka faaiideysan waayeen xilligii loo baahnaa, sababo la xariira in khadka uu ka goโay, sida sharciga tartankana u degsan ay tahay in, iyada oo ka faaโiideysi ah degmadii khadka ka baxda, waqti kale uma heleyso inay fursad u hesho, maadaama ay suโaashi ahayd mid ka faaโiideysi ah, sida ay guddiga ku dhawaaqeen.
Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโaal, ย suโaallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen afar suโaalย halka ay iska qaldeen saddex suโaal,ย Waxa ay ka faaโiideysi u heleen hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xudur, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kaxda ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa suโaalo dheeraad ah ku daray tartanka, maadaama labada tartame ay isla dhaafi waayeen suโaalihii barnaamijka loogu talagalay, waxaana tartamayaasha degmada Xudur ay si sax ah uga Jawaabeen suโaashii la weydiiyay, inkasta oo ay ka faaโiideysi waayeen suโaal soo hareermartay tartamaayasha degmada Kaxda, waxaana Wadarta guud ee tartamaayasha degmada Kaxda ay heleen 10 dhibcood, Halka tartamaayasha degmada Xudur ay la timid 12 dhibcood, maadaama ay ka jawaabeen suโaashii dheeraadka ahayd ee sideedaad.
Hadaba kulankii Todobaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka Sideedaadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.











