Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday kolonyo gargaar oo Imaaraati ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 25, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday maanta oo Arbaco ah ( 24 June) kolonyo gargaar Imaaraati ah Caasimadda Muqdisho , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Waxaan cadeyneynaa in falkaasi dambiga ah oo loo adeegsaday gaari miineysan laguna beegsaday kolonyada xilli ay mareysay fagaaraha qaranka “ Tarabuunka” uu ahaa fal fuleynimo oo argagaxiso ah , marna ma qalqalin doono kalsoonideena, waxaanu qaadi doonnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah argagaxisada iyo aragtiyada lunsan ,

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

ma hakan doono geedi socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta , iskaba daa ma hakan doono go’aankeena dabargoynta argagaxisada , waxaanu xoojin doonaa go’aankeena aan iskaashiga si adag ula sameyneyno saaxiibadeena caalamiga ah oo ay ku jirto Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta iyo Dowladaha kale .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si falgal ah oo xiriir ah ay ula shaqeyneysaa dowladaha saaxiibka ah , Ururada gobolka iyo caalamiga , si loo gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya kala dambeynta , qaanuunka iyo dowlad wanaaga .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska dhibanayaasha , waxa aanu cadeyneynaa inaanu si dhameystiran u taageersannahay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraat-ka Carabta .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

 

Previous Post

Tartan aad u xiiso badan oo caawa dhex maray tartamayaasha Kaxda iyo Xudur “Dhageyso”

Next Post

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kormeeray Xalay Degmooyin ka Tirsan Caasimada

Next Post
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kormeeray Xalay Degmooyin ka Tirsan Caasimada

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kormeeray Xalay Degmooyin ka Tirsan Caasimada

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In