Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartan adag kaddib Xamar weyne oo u soo gudubtay wareegga labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lixaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar weyne VS Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne VS Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Xamar Weyne

Tartameyaasha degmada Xamar weyne ee gobolka benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kaxda, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqoneysaa sideed dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxaana su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Kaxda ay noqotay sideed (8) dhibcood.

Guddiga ayaa su’aalo dheeri ah ku daray, maadaama labada tartame ay isku dhibco noqdeen, waxaana su’aalihii dheeriga ahaa lagu daray ay si wada jir ah uga jawaabeen min labo su’aal, waxaana lagu kala baxay su’aashii saddexaad oo ay iska qaldeen tartamayaasha Degmada Kaxda, iyadoo ay ka faa’iideysteen tartamayaasha degmada Xamar weyne, balse su’aashii dhanka degmada X/weyne la weydiiyay waa ay iska qaldeen, mana jirin cid ka faa’iideysatay, waxaana sidaas ku adkaatay oo ku soo baxday tartamayaasha degmada Xamar weyne, maadama ay heleen labo dhibcood oo ka faa’ideysi ah.

Wadarta guud ee dhibcaha Kaxda waxa ay noqotay 12 dhibcood, halka Xamar weyne ay la timid 14 dhibcood, sidaas ayayna ku soo baxeen wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka Todobaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Boosaaso Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Benaadir.

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In