Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartan adag kaddib Xamar weyne oo u soo gudubtay wareegga labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 10, 2017
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lixaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar weyne VS Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne VS Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Xamar Weyne

Tartameyaasha degmada Xamar weyne ee gobolka benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kaxda, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqoneysaa sideed dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxaana su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Kaxda ay noqotay sideed (8) dhibcood.

Guddiga ayaa su’aalo dheeri ah ku daray, maadaama labada tartame ay isku dhibco noqdeen, waxaana su’aalihii dheeriga ahaa lagu daray ay si wada jir ah uga jawaabeen min labo su’aal, waxaana lagu kala baxay su’aashii saddexaad oo ay iska qaldeen tartamayaasha Degmada Kaxda, iyadoo ay ka faa’iideysteen tartamayaasha degmada Xamar weyne, balse su’aashii dhanka degmada X/weyne la weydiiyay waa ay iska qaldeen, mana jirin cid ka faa’iideysatay, waxaana sidaas ku adkaatay oo ku soo baxday tartamayaasha degmada Xamar weyne, maadama ay heleen labo dhibcood oo ka faa’ideysi ah.

Wadarta guud ee dhibcaha Kaxda waxa ay noqotay 12 dhibcood, halka Xamar weyne ay la timid 14 dhibcood, sidaas ayayna ku soo baxeen wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka Todobaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Boosaaso Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Benaadir.

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In