Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankan isboorti oo loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhexgalka bulshada iyo nabadda isla markaana socon doono muddo 3 cisho ah ayaa ka furmay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, taasi oo ay ku tartamayeen laba kooxood  oo ka kala yimid Waaxda Mooyaale iyo Waaxda Jabuuti, iyadoo tartanka ay ka qeyb qaadan doonan cayaartoy laga soo kala xulay afarta Waaxood ee Degmada Shangaani.

Tartankan isboorti oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adda wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed  ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan C.C.A ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada mas’uuliyiinta hay’adda C.C.A iyo  dadweyne kale oo aad u farabadan ee ka kala yimid  afarta Waaxood ay ka koobantahay degmada Shangani  ee gobolka Banaadir.

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026

Ciyaarta oo  ahayd mid xiisa galisay dadkii u soo daawasho tegay ayaa waxaa  ay ku soo idlaatay 3 iyo 2 oo ay guusha ku raacday cayaartoyda u tartamaysay Waaxda Mooyaale.

Agaasimaha hay’adda wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed C.C.A Maxamed Cabdi  Xasan Sandheere  ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah ay bulshada u leedahay tartamada nuucaani oo kale ah, isla markaana ay yihiin kuwa xoojinaya isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha degmada Shangaani  ee gobolka Banaadir Saciid Cabdiqaadir “Saciid Buuwe” ayaa kula dardaarmay dhallinyarada in ay ka faa’iideystaan tartamada cayaaraha, isagoo  u mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’ada wacyigalinta bulshada C.C.A sida ay u garab taaganyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed .

“C.C.A waxaan aad  aad ugu faraxsanahay iney noo keeneen cayaar xilli habeen ah la ciyaaraayo oo isdhexgal bulsho ah ee afarta Waaxood ee degmada, waana soo dhaweeheynaa, Caawa labo koox ayaa cayaartay, Habeen dambe laba kooxood habeenka Jimcaha Insha Allah  haduu ilaahey idmana aan soo qatimi doono, kooxdii reysana aan abaal marin siin doono” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shangaani.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waday dadaalo lagu horumarinayo isdhexgalka bulshada, iyadoo loo marayo tartamo isboorti oo kala duwan.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa oo ka qeyb galay tartan heesaha hirgalay “SAWIRRO”

Next Post

Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Next Post
Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Aqoon kororsi xeerka iibka Qaranka ku saabsan oo Muqdisho laga furey

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In