Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaarahan oo socon doono inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ayaa waxaa wada cayaari doono sideed kooxood oo ka kala socda magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, iyadoo uu sanadkaan taabagalinayo Advance Cash and  Curry oo uu leeyahay Ganacsada South African taasoo ugu tagalay is dhexgalka bulshada gaar ahaan Soomaalida iyo South Afrikanka.

Furitaanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkani, ganacsato iyo Dadweyne kale ayaa waxaa lagu furay labada Kooxood ee kala ah Heegan iyo Hagar-diid oo ka kala socday Magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Yusuf Kaali Milkiilaha Advance Cash and Curry oo isagu taabagalinayo ayaa Soomaalida yiri”

“Marka hore waxaan u mahadcelinayaa walaalaha ila hergaliyay cayaarahan, aad ayaan ugu faraxsanahay arintani,waxay mar walba ahayd riyadayda inaan sameeyo waana ku faraxsanahay inaan ka mid ahaado”

Bishiir Goobe Guddoomiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo goob ka ahaa furitaanka Cayaarahan ayaa isna yiri

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa dadkii ka qeyb gaatay gaar ahaan Advance Cash and Curry oo marwalba la garab taagan dhallinyarada Soomaaliyeed”

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaaliyadda SASA ee Pretoria ayaa ballanqaaday in Jaaliyadooda bixin doonto abaalmarin marka uu tartanka dhamaado.

“Waxaan ballanqaadaynaa maanta inaan guddoonsiin doono walaalkay Yusuf Kaali waxaan gudoonsiin doonaa Shahaado Sharaf, sidoo kale waxaan guddoonsiin doona Guddigii soo qabanqaabiyay” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ismaciil Cabdullahi Muumin oo ka mid ah Guddigii soo qabanqaabiyay Tartankani ayaa yiri”anigoo ku hadlaya Magaca Advance Cash Curry,kooxdii kaalinta kowaad gasha,abaalmarin bay leedahay kooxdii ciyaar wanaag sameysa iyadana abaalmarin ayay leedahay”

Ugu dambeyntii Uqeybsanaha Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika Dhaqanka iyo Waxbarashada,Cabdi Xalane Xirsi  oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qeybgashay furitaanka Ciyaartan isna yiri.

“Barnaamijkan waa Barnaamij aad muhiim u ah gaar ahaan dadka jooga K/Afrika, macno weyn buu u leeyahay,kow wuxuu abuurayaa isdhexgalka,tan labaad waxa weeye waxbadan oo ay ku mashquuli lahayeen ama fikirad xun ay ka imaan lahed inkastoo Umadayada ay tuhuhsaneen, tan sedexdanana waxa weeyen waa tababar oo dadkii dhalinyarada caafimaadkooda ku jiro, aad ayaan ugu  mahadcelinayaa dadkii keenay oo ay ugu horeyaan Ururka Dhalinyarada”

Cayaartan oo ahayd mid aad u kulul waxay kusoo idlaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Heegan oo ka socotay Johannseburg.

        DSC_1047 DSC_1056 DSC_1060 DSC_1098 DSC_1128 DSC_1138 

DSC_1228 DSC_1151 DSC_1154 DSC_1171 DSC_1180 DSC_1183

C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka, Pretoria K/Afrika

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo New York

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In