Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 21, 2015
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaarahan oo socon doono inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ayaa waxaa wada cayaari doono sideed kooxood oo ka kala socda magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, iyadoo uu sanadkaan taabagalinayo Advance Cash and  Curry oo uu leeyahay Ganacsada South African taasoo ugu tagalay is dhexgalka bulshada gaar ahaan Soomaalida iyo South Afrikanka.

Furitaanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkani, ganacsato iyo Dadweyne kale ayaa waxaa lagu furay labada Kooxood ee kala ah Heegan iyo Hagar-diid oo ka kala socday Magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Yusuf Kaali Milkiilaha Advance Cash and Curry oo isagu taabagalinayo ayaa Soomaalida yiri”

“Marka hore waxaan u mahadcelinayaa walaalaha ila hergaliyay cayaarahan, aad ayaan ugu faraxsanahay arintani,waxay mar walba ahayd riyadayda inaan sameeyo waana ku faraxsanahay inaan ka mid ahaado”

Bishiir Goobe Guddoomiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo goob ka ahaa furitaanka Cayaarahan ayaa isna yiri

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa dadkii ka qeyb gaatay gaar ahaan Advance Cash and Curry oo marwalba la garab taagan dhallinyarada Soomaaliyeed”

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaaliyadda SASA ee Pretoria ayaa ballanqaaday in Jaaliyadooda bixin doonto abaalmarin marka uu tartanka dhamaado.

“Waxaan ballanqaadaynaa maanta inaan guddoonsiin doono walaalkay Yusuf Kaali waxaan gudoonsiin doonaa Shahaado Sharaf, sidoo kale waxaan guddoonsiin doona Guddigii soo qabanqaabiyay” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ismaciil Cabdullahi Muumin oo ka mid ah Guddigii soo qabanqaabiyay Tartankani ayaa yiri”anigoo ku hadlaya Magaca Advance Cash Curry,kooxdii kaalinta kowaad gasha,abaalmarin bay leedahay kooxdii ciyaar wanaag sameysa iyadana abaalmarin ayay leedahay”

Ugu dambeyntii Uqeybsanaha Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika Dhaqanka iyo Waxbarashada,Cabdi Xalane Xirsi  oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qeybgashay furitaanka Ciyaartan isna yiri.

“Barnaamijkan waa Barnaamij aad muhiim u ah gaar ahaan dadka jooga K/Afrika, macno weyn buu u leeyahay,kow wuxuu abuurayaa isdhexgalka,tan labaad waxa weeye waxbadan oo ay ku mashquuli lahayeen ama fikirad xun ay ka imaan lahed inkastoo Umadayada ay tuhuhsaneen, tan sedexdanana waxa weeyen waa tababar oo dadkii dhalinyarada caafimaadkooda ku jiro, aad ayaan ugu  mahadcelinayaa dadkii keenay oo ay ugu horeyaan Ururka Dhalinyarada”

Cayaartan oo ahayd mid aad u kulul waxay kusoo idlaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Heegan oo ka socotay Johannseburg.

        DSC_1047 DSC_1056 DSC_1060 DSC_1098 DSC_1128 DSC_1138 

DSC_1228 DSC_1151 DSC_1154 DSC_1171 DSC_1180 DSC_1183

C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka, Pretoria K/Afrika

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo New York

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In