Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan Lagu Xusayay Faarax Sendiko oo ka dhacay Toronto

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan Lagu Xusayay Faarax Sendiko oo ka dhacay Toronto
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shalay Magalada Toronto waxaa lagu soo gaba gabeeyay Tartan Sport-oo lagu xusayay halyeygii kubada cagta soomaaliya Faarax Weheliye Cadoow Sendiko Magac iyo Maamus ku lahaa kubada cagta qarada afrika iyo aduunkaba waxaana xaflada lagu soo gaba gabeynayay tartanka ka soo qayb galay xidigo hore oo xulka qaranka iyo kooxihii bari samadkii dalka soo maray.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Maxamed Ismaciil xidigii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Horseed ayaa ka mid ahaa dadka soo abaabulay tartanka waxaana xidigaha ka soo qayb galay ka mid ahaa Muqtaar Cuti Khaliif Riiko iyo kuwa oo halkaan aanan ku soo koobi Karin balse xaflada ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo abaabulay waxaana kama danbeysta tartanka isla soo gaaray laba kooxod oo ku kala ciyaarayay Banaadir iyo Hilaac waxaana ugu danbeyntii koobkii quruxda badnaa ku guuleysatay Kooxda Hilaac oo kabtankoodii uu gudoonsiiyay qaban qaabiyaha xaflada Maxamed Ismaciil Cali

Marxuum Sindiko wuxuu muddo aad u dheer ahaa guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia. Wuxuu kaloo ahaa ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa, ee marka magaciisa lasoo gaabiyo CAF loo yaqaanno.

Faarax Weheliye Caddow Sindiko oo muddo aad u dheer kusoo dhex jiray Sports-ka
Faarax Sindiko ayaa sidoo kale ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA.

Faarax Weheliye Cadoow Sendiko waxaa uu soo maaray heerar kale duwan Ciyaarista kubada cagta ilaa iyo heerka labaad ee seria B ayuu soo ciyaaray balse waxaa uu ugu baxay dhaawac Jilibka ah dabadeedna waxaa uu u weecday dhanka garsoorka sanadkii 1963 ayadoo heerka kowaad uu u dalacay sanadkii 1967,

Faarax Weheliye Cadoow Sendiko waxaa uu u soo dilacay garsoorka heerka Caalami ee FifA isla sanadkii xigay ayadoo sidoo kale dabadeedna uu noqday gudoomiye xigeenka xirirka kubada cagta Soomaaliya

1978 waxaa loo doortay gudoomiyaha Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya ayadoo sidoo kale uu noqday gudoomiye xigeenka gudiga Olombikada Soomaaliya halka sanadkii 1978 uu xubin ka noqday Gudiga xirirka kubada cagta qarada afrika ee Caf ayadoo sidoo uu u sii dalacay gudoomiye xigeenka xirirka kubada cagta qarada afrika waxaana uu ahaa shaqsiyaadka ugu awooda badan qarada afrika ee dhanka kubada cagta waxaana uu ka qabtay xilal fara badan oo halkaan aanan lagu soo koobi Karin ayadoo ilaa fifa uu ka soo qabtay xilal calaami ah

 

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ku dhawaaqdey dib u howlgelinta  dhismaha hey’adda  Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Next Post

Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

Next Post
Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

Wasiirka waxbarashada Maamul Goboleedka K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay Xudur

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In