Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan lagu xulayay cayaartooy da’yar ah oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan lagu xulayay cayaartooy da’yar ah oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaartaan oo dhexmartay degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka banaadir ayaa waxa ay daqiiqadihii loogu talagalay kusoo idlaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday cayaaartooyda degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Caruurtan guleysatay ayaa waxa ay dalka Qatar kaga qeyb geli doonaan tartan dugsiyada ah oo ay qabaneyso dowladda Qatar, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan carruurta ka socota dugsiyada Hoose iyo dhexe ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Munaasabada  gabagabada cayaartaan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, maamulka  Gobolka  Banaadir , xubno ka socday xiriirka kubada cagta iyo dadweyne aad u fara badan oo usoo dawasha tagay cayaarta  lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Stadium Koonis ee degmada C/casiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in maamulka gobolka uu qaban doono tartanka sanadka cusub , isgoo bogaadiyay cayaa wanaaga ay soo bandhigeen carruurtaan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka hadlay madasha ayaa amaan u jeediyay caruurtaan sida wanaagsan ee ay u soo bandhigeen cayaarta isgoo u rajeeyay in ay guul kasoo hoyaan cayaaraha ay ka qeybgali donaan.

Wasiirka Howlaha guud Eng Saalax Shiiq Cismaaan oo ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada ee ka qeybgalay Munaasabada ayaa isna wax lagu farxo ku tilmaamay qaabka ay usoo bandhigeen cayaarta.

Wasiirka  Waxbarashada Khadro Bashiir Cali ayaa xustay inay tahay wax lagu farxo in carruur da’dan la eg ay dalka dibadiisa uga qeyb galaan tartan kubadda cagta ah ee loo qabanayo dugsiyada dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa soo xiray tartanka ayaa tilmaamay in cayaartooyda da’yarta ay soo bandhigeen xirfad wanaagsan, waxaana uu u rajeeyay inay guul ka soo hooyaan tartanka lagu qaban doono dalka Qatar.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi abaal marino kala duwan la guddoonsiiyay kooxihii ka qeyb galay tartanka lagu xulayay cayaartooy da’yar oo matasha magaca Soomaaliya.

DSC08031 DSC08033 DSC08035 DSC08037 DSC08038 DSC08039 DSC08040 DSC08043 DSC08045 DSC08046 DSC08047 DSC08049 DSC08050 DSC08059 DSC08061 DSC08066 DSC08067 DSC08068 DSC08070 DSC08073 DSC08075 DSC08081 DSC08083 DSC08084 DSC08085 DSC08086 DSC08088 DSC08092 DSC08096 DSC08099 DSC08101 DSC08109 DSC08111 DSC08112 DSC08121 DSC08122 DSC08129 DSC08133 DSC08136 DSC08148 DSC08152 DSC08153 DSC08158 DSC08159 DSC08162 DSC08163 DSC08164 DSC08165 DSC08168 DSC08172 DSC08176 DSC08177 DSC08178 DSC08196 DSC08204 DSC08210 DSC08216 DSC08222 DSC08226 DSC08227 DSC08228 DSC08235 DSC08236 DSC08237 DSC08240 DSC08242 DSC08248 DSC08252 DSC08253 DSC08254 DSC08256 DSC08260 DSC08262 DSC08265 DSC08266 DSC08267 DSC08269 DSC08272 DSC08276 DSC08278 DSC08281 DSC08284 DSC08292 DSC08294 DSC08295

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka Shaqada oo ka qeybgalay shirka wasiirrada Shaqada Afrika+Sawirro

Next Post

R/wasaaraha oo ka qeyb galay marti qaad uu u sameeyay Sheekh Maxamed “Baardheere”+Sawirro”

Next Post
R/wasaaraha oo ka qeyb galay marti qaad uu u sameeyay Sheekh Maxamed “Baardheere”+Sawirro”

R/wasaaraha oo ka qeyb galay marti qaad uu u sameeyay Sheekh Maxamed "Baardheere"+Sawirro"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In