Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 4, 2015
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu soo geba gebeynayaay tartan Qur’aan akhris ah oo muddo todobaad ah magaalada Gaalkacyo uga socday ilaa 41 arday oo ka kala socotay degmooyinka  gobolak  Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, ayadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, waalidiin iyo marti sharaf kale kaasi oo ay soo qaban qaabisay mu’asasada Alminhaaj oo kashanaysa shirkadda NEPCO.

Ugu horeyn waxaa munasabada ka  hadlay Maxamed Siciid Muuuse guddoomiyaha mu’asasada Al-minhaaj ee Gobolka Mudug waxaana u sharaxay taranka & iyo qeymaha uu ku fadhiyo

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Xafladan sidaad la socotaan wax ay gabogabo u tahay tartankii mudada isbuuc ah masaajidka Ramadaan oo lagu dhigayey gobolka Mudug, waaa tartan sanad la’ah oo sanad waliba lagu qabto Gaalkacyo” ayuu yiri Maxamed Saciid.

Maxamuud Yuusuf Ciise oo hadal ka jeediyeey munaasabada  waxaa uu ku baaqay in laga qayb qaato wax barashada dadka reer miyiga ah.

“Culimada iyo dadka Diinta baranaya iyo kuwii horey u bartay, waxaan usoo jeedinayaa inay ka qayb qaataan hay’adaha ammaanka dalka iyo hay’adaha cadaaladda, waxaan aamin sanahay hadii ay nabad ka qayb qaataan in la helaayo cadaalad iyo nabad gelyo.

Maareeyaha Guud ee shirkada NEPCO ayaa sheegey inay tartankan & kii ka horeeyayba  ay dhaqaale ku bixiyeen, kan kalena ay bixinayaan hadii rabi idmo

“Anigoo ku hadlay magacii shirkadda board-ka ayaan u gudbinay, waxaan balan qaadayaa inaan sanadka dambena masharuucan aan hirgalino waxaan mu’asasada ka codsanaynaa inaysan cidkale nagasiin” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Aadam Maxamed Cigaal maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika oo afka culimada ku hadlayay ayaa sheegey inay samaynayaan Jamciyad ilaalisa lana socota macalimiinta, Qur’aanka dhigayay dugsiyada hoos yimaada  Jimciyada Al-minhaaj & kuwa la xiririaba.

Gunaanadka xaflada ayaa waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay maamulka  shirka xoogga korontada ee NEPCO iyo ardaydii halkaasi ku tar tamaysay

By Kaamil Cabdiqaadir Jaamac Galkcyo

Previous Post

Labo musharax oo isugu soo hartay wareegga ugu dambeeya ee doorashada

Next Post

Maxamed Xaashi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Next Post
Maxamed Xaashi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Maxamed Xaashi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In