Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam-SAWIRRO

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands, lagu qabtay Tartanka Cayaaraha Fudud (ORODKA) ee HIRDA, kaasi oo markii 2-aad isla sanadkaan ay soo qaban qaabisay Hey’adda HIRDA ee fadhigeedu yahay dalka Holland, iyadoona hal ku dhiga tartankaan loogu Magac-daray (RUN FOR YOUR DREAM) .

Tartankaan oo ka duwanaa kii bishii May ee sanadkaan lagu qabtay Magaalada Amsterdam, ayaa waxaa lagu tartamay 200M, 400M, 800M iyo 1500M, iyadoona markii ugu horeysay ay tartankaan ka qeyb-galeyn carruur da’dooda ka hooseys 12 sano , waxaana sidoo kale ka qeyb galay dhalinyaro fara badan oo ka kala yimid Magaalooyinka kala gedisan ee wadanka Netherlands, kuwaasi oo qaarkood horey ugu qeyb galay tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, halka qaar kalena ay ku cusbaayeen.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Tartankaan oo ah mid ay Hey’adda HIRDA ugu tala-gashay in ay ku dhiira-geliso dhalinyarada xirfada u leh Cayaaraha Fudud, kuwa Β ku hanweyn in ay heer wanaagsan ka gaaraan Cayaaraha Orodka, iyo in lagu soo saaro cayaartoy Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh Cayaaraha Fudud, ayaa waxaa tartamayaashii ku guuleystay kaalimaha hore la guddoon-siiyay Abaalmarino kala gedisan, taasi oo qeyb ka ahaa sare u qaadida niyada dhalinyarada.

Orodka 200m, ayaa waxaa kaalimaha ugu horeeya galay;

  1. Mohamed Abdirahman
  2. Abdisalam Abdi
  3. Abukar Ali

400m ayaa iyana waxaa kaalimaha ugu horeeya kala galay Cayaartoyda kala ah;

  1. Abukar Ali Adan
  2. Fawaz Mohamed
  3. Abdullahi Mohamed
  4. 800m, waxaa kaalimaha ugu horeeya galay;
  1. Abdikhani Mohamed
  2. Abdisalam Mohamed
  3. Mohamed Abdirahim

Tartanka ugu adkaa ee 1500m, ayaa waxaa kaalimaha ugu horeeya ku guuleystay;

  1. Abdirahman Mohamed
  2. Mohamed Abdirahman
  3. Muslim Hirsi

Cayaaryahanka Abdirahman Mohamed ayaa markii labaad ku guuleystay in uu kaalinta labaad ka galo 1500M, halka walaalkii Abdikhani Mohamed, uu isna markii 2-aad ku guuleystay 800M, waana labo cayaaryahan oo Mustaqbal wanaagsan ku leh Cayaaraha fudud.

Caruurta ka U12, ee iyagu ka qeyb galay Tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, ayaa waxa ay ku tartameen 100m, waxaana kaalimaha ugu horeeyay galay;

1 Asad Ahmed kulmiyo

2 Zakariya Ahmed

2 Omar Mahamud .

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadashay oo tartanka soo xirtay, Agaasimaha guud ee hey’adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, iyadoona cayaartoyda iyo waalidiinta ugu mahadcelisay ka qeyb-galka tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, waxa ayna halkaasi ka balan qaaday in ay caawin doonto isla markaana gacan siin-doonto cayaartoyda Soomaaliyeed ee Cayaaraha fudud kuwooda ku dhaqan dalka Holland si mustaqbal wanaagsan ay ugu gaaraan cayaaraha orodka.

“Dhamaan cayaartoyda kaalimaha hore galay iyo kuwa kale ay ka qeyb qaatay tartankaan, waxaan ku casuumeynaa cayaaraha Futsalka ee HIRDA AFT Winter Cup, kaasi oo dhici doonna, 20, 21, December 2015, ma ahan oo kaliya in aan cayaaro idin qabanay, sidoo kale waxaan idin ka caawin doonnaa waxa aad baahiyaha u qabtaan, si mustaqbal wanaagsan aad ugu gaaraan Cayaaraha fudud, sidoo kale dhalinyarada waxaan ku dhiira-gelineynaa in ay isboortiga xooga saaraan” Ayey tiri Drs. Faadumo Faarax.

Tartankaan Cayaaraha Fudud oo ay Hey’adda HIRDA ku qabatay Magaalada Amsterdam ayaa waxa uu kusoo idlaaday jawi isboorti iyo mid dhiira-gelin.

HIRDA-RUN-1 HIRDA-RUN-2 HIRDA-RUN-3 HIRDA-RUN-4 HIRDA-RUN-5 HIRDA-RUN-6 HIRDA-RUN-7 HIRDA-RUN-8 HIRDA-RUN-9 HIRDA-RUN-10 HIRDA-RUN-11 HIRDA-RUN-12 HIRDA-RUN-13 HIRDA-RUN-14 HIRDA-RUN-15 HIRDA-RUN-16 HIRDA-RUN-17 HIRDA-RUN-18 HIRDA-RUN-19 HIRDA-RUN-20 HIRDA-RUN-21 HIRDA-RUN-22 HIRDA-RUN-23 HIRDA-RUN-25 HIRDA-RUN-26 HIRDA-RUN-27 HIRDA-RUN-28 HIRDA-RUN-29 HIRDA-RUN-30 HIRDA-RUN-31 HIRDA-RUN-32 HIRDA-RUN-33 HIRDA-RUN-34 HIRDA-RUN-35 HIRDA-RUN-36 HIRDA-RUN-37 HIRDA-RUN-38 HIRDA-RUN-39 HIRDA-RUN-40 HIRDA-RUN-41 HIRDA-RUN-42 HIRDA-RUN-43 HIRDA-RUN-44 HIRDA-RUN-45

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In