Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankan Cayaaraha futsalka ee kubadad cagta ah oo loogu tala galay in laguxoojiyo isdhexgalka bulshada iyo nabadda oo soconayay mudo 15 maalmood ah  ayaa lagu soo geba gebeyeey  Degmada Howlwadaag, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda dhalliyarada iyo Isboortiga, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Mamulka gobolka ee dhanka Howlaha Guud.

Tartanka oo ugu dambeyntii ay ku wada kulmeen cayaartooy ka kala socotay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeeynleey, isla markaana uu soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo idlaatay 9-1 oo ay guusha ku raacday cayaartooydii ka socotay degmada Waaberi, iyadoo dadkii u soo daawasho tegay cayaarta ay aad ula dhaceen qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen labada dhinac.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada  gobolka banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan  oo ka hadlay goobta ayaa kula dar daarmay dhallinyaradu in ay  kordhiyaan cayaaraha
nuucaani oo kale ah  ee lagu xoojinaya  isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa uga mahadceliyay cayaartooyda labada degmo, cayaar wanaag ay muujiyeen inta uu tartanku socday, waxaana uu intaa ku daray in tani ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka  howlaha  Guud ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali  oo ka hadlay halkaasi ayaa tilmaamay in tartamada  cayaaraha kubadda cagta ay tahay mid lagu horumarin karo isdhexgalka bulshada iyo xoojinta amniga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga  Cismaan Aadan Dhuubow oo  soo xiray tartankaasi ayaa  tilmaamay in  dhallinyarada  degmooyinka Waaberi iyo  Dharkeenleey ay muujiyeen dadaal dheeri iyo cayaar wanaag, isagoo uga mahadceliyay intii soo qaban qaabisay tartanka lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada.

_MG_8914 _MG_8915 _MG_8976 _MG_8984 _MG_8988 _MG_8992 _MG_9007 _MG_9011 _MG_9047 _MG_9079 _MG_9083 _MG_9088

Previous Post

Xulka Soomaaliya oo bar baro lagalay Xulka Rwanda, kana haray CAF U-23 Championship 2015

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026
0

Doontaan oo ay saarnaayeen 55 Muhaajiriin ah oo u badnaa Soomaali oo ay ku jireen Mudaaniin u dhashay dalka Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In