Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 10, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, May 10, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xerada tababarka ciidanka ee Xero Agoon waxa uu kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Mohamed Cusmaan  oo ay ka wada  hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale tababarrada ay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabtu siinayaan  Ciidamada Dawladda Soomaaliya. Wasiirka iyo safiirka ayaa isla soo hadal qaadey sidii Dowladda Imaaraadku ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarada ciidamada iyo tayayntooda.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Danjire Mohamed Cusmaan ay  isla soo qaadeen  sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku balan-qaaday sii xoojinta tababarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad balaaran u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiir C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulanka ka hadlayey waxa uu yiri: “Maanta waxaan booqannay Xerada Tababarka Ciidamada ee Xero Agoon oo ay saraakiil ka tirsan Dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadku ku tababaraan ciidan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Waxaa Xeradan dib u dhisay Dawladda Imaaraadka oo weli gacantana ku haysa, waxana ay ka mid tahay mashaariicda ay fulisay Dawladda Imaaraadka”

“Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalka.

“Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin”

Danjiraha Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba, isagoo carraabka ku adkeeyey in dalkiisu ay ka go’an tahay sii wadida taageerada iyo isgarab-taagga dalka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

IMG_1980 IMG_1988 IMG_2002 IMG_2030 IMG_2034 IMG_2036 IMG_2127

Previous Post

Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In