Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 11aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 11, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 11aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

June 1, 2025
Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

June 1, 2025

Doorashadii Golaha Shacabka Dawladda ku-meel-gaarka ee lagu soo dhisay Embakati, Kenya – 20-kii Agoosto 2004

Maadaama ay dhamaatay muddadii xilhaynta afarta sano ee Golihii shacbiga la dishay 2000, waxaa la dhisay Gole cusub oo xilhayntiisu tahay afar (4) sano, kana kooban 275 xildhibaan oo ay soo xuleen odayaal dhaqameedka beelaha Soomaaliyeed. Waxaa la ansixiyey Cahdiga Federalka ku-meel-gaarka ah ee 2004, waxaana la doortay Guddoonkii Baarlamaanka loo doortay M.ne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilka Guddoonka hayey 14 Sep. 2004 ilaa 2007. Waxaa kaloo isla kulankaas lagu doortay Madaxweynaha Dawladda KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashadii Madaxweynha Dawladda Federaalka ku-meel-gaarka ah oo lagu qabtay Nairobi, Kenya10-kii Oktoobar 2004 –Transitional Federal Government (TFG)

Waxaa dooranayey: Baarlamaanka Federaalka ku-meel-gaarka – waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 275 xildhibaan. Waxaa ku looltamayey 26 musharrax. Natiijada doorashadana waxay noqotay sida ku muuqaalisan shaxdan:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

2

273

275

Wareega Labaad

7

268

275

Wareega Saddaxaad

7

268

275

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

Cabdullaahi Yuusuf Axmad

80 (29.30%)

147 (54.85%)

189 (70.52%)

Cabdullaahi Axmad Cadow

35 (12.82%)

83 (30.97%)

79 (29.48%)

Maxamed Qanyare Afrax

33 (12.09%)

38 (14.58%)

–

Cabduraxman Jaamac Barre

18 (6.59%)

–

–

Abdulqaasim Salaad Xassan

16 (5.86%)

–

–

Maxamed Xassan Caddow

14 (5.13%)

–

–

Muuse Suudi Yalaxow

13 (4.76%)

–

–

Cusmaan Jaamac Cali “Kalun

10 (3.66%)

–

–

Iyo 18 musharrax kale

54 (19.78%)

–

–

Fiiro gaar ah: Maadaama musharraxna wareegga koowad helin 183 cod oo u dhiganta 2/3 tirada guud ee xubnaha Golaha, waxaa loo gudbay wareegga labaad. Musharrixiinta kala ah Cabduraxman Jaamac Barre iyo Cadiqaasim Salaad Xassan iyo Maxamed Xassan Cadow sharci ahaan waxay xaq u lahaayeen inay wareegga 2-aad u gudbaan, haseyeeshee iyagaa iskood tartanka wareegga labaad uga tanaasulay. Wareegga 3-aadna waxaa ugu dambayntii u gudbay M.ne Cabdullahi Yusuf Axmad iyo Cabdullahi Axmad Caddow, waxaan ku guuleystay M.ne Cabdullahi Yusuf Axmad.

Xubnaha Golaha Shacabka oo lagu kordhiyey xubnaha SRS iyo isbeddelkii ku yimid Madaxda Dawladda

Ka dib markii Golihii baarlamaanka arrimo siyaasadeed awgeed uu u kala jabay, oo koox ka mid ah ku hartay dalka, kuwa kalena dalka dibadiisa dawlado shisheeye u magangalay, Kooxdan danbe oo ay ku biireen muwaadiniin iyo qurbajoogto soomaaliyeed waxay la baxeen “the Somalia Reconciliation and Restoration Council (SRRC).” Ka dib markii markii Baarlamaankii u kala jabay laba garab waxaa Guddoomiye loo ddortay M.ne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xilka Guddoonka hayey 21 Jennaayo 2007 ilaa Maajo 2010.

Kalajabkan ka bacdi waxaa loo hawlgalay dib-u-heshiisiinta labadan kooxood oo ay dawladda Djibouti hoggaamineysay ayado kaashanaysay Xafiiska Siyaasadda Qaruumaha Midoobay. Muddo dheer oo dhaxdhaaxidn ka bacdi waxaa lagu heshiiyey in tirada xubnaha Golaha Shacabka oo ahayd 275 la labalaabo oo 275 xubnood kale lagu kordhiyo lagana soo xulo kooxdii SRRC iyo ururrada bulshada sidaasna tirade guud ee xubnaha Golaaha shacabku ku noqdo 550 xubnood. Waxaa isla kulankaas lagu go’aansaday;

  1. In muddada xilhayn Golaha Shacabka lagu kordhiyo laba sanno; iyo

  2. Xilkii Xafiiska Madaxweynaha uu ka istiqaalooday M.ne Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed, loo doorto Madaxweyne cusub.

Doorashadii Madaxweynha Dawladda Federaalka ku-meel-gaarka ah ee la qabtay30-kii Jannayo 2009 –Transitional Federal Government (TFG)

Waxaa dooranayey: Baarlamaanka Federaalka ku-meel-gaarka. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynaye 425 xildhibaan, waxaana ku tartamayey 14 musharrax. Natijaada doorashadana waxay noqotay sida ku cad shaxda halkan hoose ku muuqaalisan:

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

3

423

425

Wareega Labaad

2

419

421

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Shariif Sheikh Axmad

215 (50.95%)

293 (69.93%)

Maslax Maxamed Siyaad Barre

60 (14.22%)

126 (30.07%)

Nuur Xassan Xussein

59 (13.98%)

—

Cali Khaliif Galaydh

31 (7.35%)

—

Maxamed Cusmaan Aadan

25 (5.92%)

—

Cabdiraxmaan Cabdi Xussein

10 (2.37%)

—

Axmed Xaashi Maxamuud

9 (2.13%)

–

Cawad Axmad Xsharo

5 (1.18%)

–

Muuse Macallim Yuusuf

4 (0.95%)

–

Yuusuf Azhari

2 (0.47%)

–

Cali Xaashi Dhoore

2 (0.47%)

–

Xassan Abshir Faarax

–

–

Maxamed Maxamuud Guuleed

–

–

Maxamed Axmad Cali

–

–

-Fiiro gaar ah: Musharrixiinta Xassan Abshir Faarax, Maxamed Maxamuud Guuleed iyo Maxamed Axmed Cali sharci ahaan waa loo oggolaa in ay tartanka ka qaybgalaan, haseyeeshee iyagaa iskood u tanaasulay intaan wareegga koowaadba la gelin.

*Musharrixiinta ay ka mid yihiin Nuur Xassan Xussein, Cali Khaliif Galaydh, Maxamed Cusman Aadan, iyo Cabdiraxmaan Cabdi Xussein sharci ahaan waxay xaq u lahaayeen in ay u gudbaan wareegga 2-aad, haseyeeshee ayagaa iskood uga tanaasulay tartanka wareegga labaad. Maadaama laba musharrax keliya isku soo hareen looma baahan in la galo wareeg sadaxaad, oo wareegga labaab baa lagu kala baxay. Waxaa codadka xildhibaanada ku dhowaad boqolkiiba 70% helay M.ne Shariif Sheikh Axamad kuna guulaystay Madaxweynaha Jumhuriyadda Dawladda Federaalka ku-meel-gaar ah xilkeeda qabto ilaa iyo 10ka September 2012.

Isbedel ku yimid Guddoonka Golaha Shacabka;

Is-afgaran waa ka dhex aloosmay hoggaaminta siyaasada guud ee dalka ayaa saameeyey Golaha Shacabka kasoo sababay in doorasho loo qabto Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku meelgaar. Waxaana mar labaad doorashadaa ku guuleystay M.ne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilkaas hayey Junyo 2010 ilaa Agosto 2012.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-11aad.mp3

La Soco Qeybta 12aad Insha Allah

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadkeeda intii u dhexaysay bishii Janaayo ilaa May ee sannadkan...

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

May 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan....

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In