Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa Agab loogu tala galay Nadaafada, Bilic soo celinta iyo Teendhooyin ku wareejisay Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saciid Cali Baryare ayaa Maamulka Gobolka Banaadir kaga mahadceliyay agabka ay soo gaarsiiyeen Ciidanka Booliska, taasi oo wax ka tari doonta qorshaha Nadaafada iyo Bilic soo celinta Caasimada, isla Markaana Qalabka kale ee Teendhooyinka Ciidanka ay ka haqabtiri doonto xilliyada ay waajibaadyadooda shaqo gudanayaan.