Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada dadka Hindiya ee illaa shalay u dhintay Corona oo kor u dhaafay hal milyan.

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Tirada dadka Hindiya ee illaa shalay u dhintay Corona oo kor u dhaafay hal milyan.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo bishii la soo dhaafay Hindiya, waxaa ka socday mowjado aan horay loo arag oo ka dhashay cudurka faafa ee Corona Virus, kaasi oo dhaxalsiiyay in Hindiya ay noqotay waddanka ugu tirada badan adduunka ee uu ku dhacay xanuunkan Covid 19.

Hindiya ayaa gashay wajigii labaad ee hirarka Covid19, horaantii  bishii Abriil ee sanadkan, iyadoo  ay sii yaraanayaan sariiraha cisbitaalada, Oksijiinta iyo dawooyinka, waxana sii kordhaya Maalinba maalinta ka dambeysa tirada dadka u geeriyoonaya xanuunkan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya ayaa shaacisay in maalmahii la soo dhaafay tirada dadka uu haleelay Corona Virus ay kor u dhaaftay 20 milyan,  bahda caafimaadka Hindiya ayaa sheegay in maalmahii ugu danbeeyay xanuunkan uu soo ritay dad gaaraya  357,000, kuwaa oo isugu jira kuwa u dhintay iyo dad wali Isbitaalada u jiifa waxyeellada xanuunkan.

Markii fayraska Corona uu soo ifbaxay dhammaadka sanadkii 2019, waxaa la sheegay in Ra’iisulwasaaraha Hindiya, uu iska dhago tiray qaylo dhaanta halista Xanuunkan  oo ka bilaabmay Shiinaha iyo qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka.

Muddo kadib ayaa Hindiya lagaga dhawaaqay si kadis ah in la xayiray isu-socodka Bulshada iyo Ganacsiga , arrinkaas oo si weyn u saameeyay dadka saboolka ah, dowladda ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin dhowr ah, sida kordhinta sariiraha yaalla isbitaalka lagula tacaalaya dadka uu soo ritay xanuunkan, dardargelinta soo saarista tallaalka Hindiya u gaar ah iyo bilaabida sanduuq dhaqaale si loo yareeyo culayska nolosha dadka saboolka ah.

Ra’iisulwasaaraha Hindiya ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay hoggaamiyeyaasha adduunka ee ka qeyb galayay madasha Davos, ugu bishaareeyay in Hindiya ay ka gudubtay waxyeeladii Corona.

Previous Post

Waddamada ku bahoobay G7 oo shirk u yeeshay London

Next Post

Wabiga shabeelle oo ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar

Next Post
Wabiga shabeelle oo ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar

Wabiga shabeelle oo ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In