Friday, May 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada Haweenka ku biiraysa Ciidanka Xoogga Dalka oo korortay iyo Al-shabaab oo gabalkoodi sii dhacayo.

admin by admin
August 20, 2019
in Wararka
0
Tirada Haweenka ku biiraysa Ciidanka Xoogga Dalka oo korortay iyo Al-shabaab oo gabalkoodi sii dhacayo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgallo lagu xorreeyey dhul badan oo ka tirsan Shabeellada Hoose iyo gobollo kaleba ayeey qeyb ka aheyd Wiilo Cabdi Cali Faarax oo ka tirsan Ururka 4-aad ee ciidammada Kummaandoosta Xoogga dalka Soomaaliyeed.

12 sanno ka hor inta aysan ciidanka ku soo biirtay Al-shabaab ayaa Gowracay Aabaheed Cabdi Cali Faarax oo Beeraley ahaa xilligaas, waxa uu iska diiday in uu bixiyo lacago baad ah oo ay argagixisadu weydiisteen kaddibna waxa ay u dileen si arxan daran.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

Dhibtaas markii ay kula kaceen Wiilo Aabaheed waxa ay mar kale Al-shabaab dil u geysteen Seygeeda oo ay u heysay carruur yaryar, hadda waa agoon laakiin go’aankeeda nolosheeda ayeey wax weyn ka badeshay.

Wiilo oo dhiigga Aabaheed iyo Seygeedii si xaq darro ah ay arxanlaaweyaasha Al-shabaab u daadiyeen waxa ay hadda ku faraxsan tahay guulo miradhal ah oo laga gaaray howlgallo lagu jebiyey Al-shabaab oo ay ka qeyb-qaadatay tan iyo markii ay ku soo biirtay ciidanka Xoogga.

Maryan Siid Cali Shariif oo ah askari ka tirsan Xoogga dalka xilli ay ku sugneyd jiidda hore ee dagaalka ayeey si dhiiran uga hadashay mudnaanta ay siinayaan sidii ay dalkooda nabad uga dhigi lahaayeen, rajo weynna ay ka qabto in Soomaaliya ay noqoto goob ka caagan argagixisada

Ififaalooyinka muuqda ayaa ku dareensiinaya in argagixisada Shabaab gabadkoodi uu sii dhacaya,iyadoo awoodii ay la haayeen la wiiqay,balse waxaa ay isku dayayaan in bulshada dila qorsheysan iyo qaraxyo hab dhuumaalaysi ah uga dhexgeystaan.

Dumarka ayaa kaalin weyn ku leh dagaalada looga soo horjeedo nabad-diidka Al-shabaab, qaar badan oo ka mid ahna waxa ay hadda furimaha dagaal ugu jiraan sidii nabadgalyo iyo horumar loo gaarsiin lahaa dalkooda, halka Al-shabaab ay dumarka si daran u liidaan.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku sii badanaya nacaybka ay u qabaan kooxaha argagixisada,kadib markii ay arkeen sida arxan darrida ah oo ay dhiigooda u banaystaan,ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa guulo la taaban karo ka soo hoyay howlgalo kaladuwan oo ka dhacay deegaanada ay Koxda Shababa kaga dhuumaalaysanayaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Previous Post

Shirka Xog Uruurinta Kheyraadka Badda oo ka Furmay Muqdisho

Next Post

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka BJFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage “Sawirro”

Next Post
Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka BJFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage “Sawirro”

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka BJFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage “Sawirro”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In