Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada sanadkan u fadhiisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda oo la shaaciyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Tirada sanadkan u fadhiisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda oo la shaaciyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay Tirada Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garow xoogan ku jirto.

โ€œWasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa Diyaargarow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda, waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadigaโ€.ayuu yiri Wasiirka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in 27,600 (todobo iyo labaatan kun, iyo lix boqol) oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1,400 (Kun iyo afar boqol) oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

โ€œWaxaa iyana xusid mudan in Fatahaada Wabiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1400 oo arday oo sanadkaan Imtixaanka dugsiga sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u balanqaadeynaa inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay Imtixaankooda gali doonaanโ€.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka iyo sidoo kale ay garabsiiyaan Ciidamada Qalabka sida ee ku howlan ilaalinta Amniga iyo sugida Goobaha lagu galayo Imtixaanka.

Sanadkan waa sanadkii ugu horeeyay ee Imtixaan Qaran lagu diyaariyo Dalka gudahiisa muddo 27-sano ka dib waana guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed, ย Lacagta ku baxeysa Imtixaanka waa markii ugu horeysay oo 27-sano ka dib laga bixiyay Bajadka Dowlada sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo gabaga-beeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu joogay Dalka Qadar

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In