Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay maleeshiyaad ka soo goostay kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.
Kooxda isasoo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood kana soo goostay Khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad sugidda magaalada Baydhabo, waxaana raggan isasoo dhiibay ay Khawaarijta u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraa Jabhadaha.