Ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in tiro ka mid ah askartooda laga dilay weerarka ay ku qaadeen marinka Qaza.
Sarakiil ka mid ah ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay magacyada sagaal askari oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza, galinkii danbe ee shalay.
Dilka askartan ayaa tirada ciidamada Isra’iil looga laayay dagaalladii shalay dhacay ka dhigaysa 12 askari, halka dhaawacana uu intaa ka badanyahay.
Marka loo eego sheegashada Tel Aviv , dhilka askartan waxay ka dhigeysaa tirada guud askarta Isra’iil laga dilay tan iyo markii uu bilowday weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Isra’iil 327 askari.