Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa ka qayb galay isu soo bax uu soo qaban qaabiyay Guddi Qaran oo Dowladda Soomaaliya u xilsaartay diyaarinta Munaasabadaha Todobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed  oo ku beegan 17-ka April ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay ka qayb galeen Ardayda Iskuulada, Ururada Haweenka, Kooxaha Barbaarta Gaashaaman iyo Baambeyda Booliska  ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa furitaanka Todobaadka Dhirbeerista Qaranka

Isu soo baxa oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu talaalay geedkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ugu talagashay in lagu beero magaalada Caasimada ah iyo Gobolada dalka ee lagu qaban doono Munaasabo waaweyn.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga heerka Qaran ee loo xilsaaray qaban qaabada Munaasabadahaas Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada dhirtu u leeedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in bulshada ay u istaagto beerista dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile ayaa waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in la gaaray waqti dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay isla gartaan Muhiimada dhirtu leedahay, isla markaana dib loo beerayo Dhir fara badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada dhirtu u leedahay noole kasta, waxaana uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed meeelkasta oo ay joogaan in qof kastaa geed beero, taas oo qayb ka qaadan karta dib u nooleynta Qaranka.

‘’Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro, dowladdu waxa ay waddaa barnaamij ballaaran oo degaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka uu qorshe uga dagsan yahay sidii bii’ada dib loogu soo dhisi lahaa, iyadoo la kaashaneysa bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

IMG_7563  IMG_7565  IMG_7574 IMG_7575 IMG_7576 IMG_7577 IMG_7578 IMG_7581  IMG_7583 IMG_7584 IMG_7585     IMG_7604 IMG_7605 IMG_7607 IMG_7619 IMG_7624  IMG_7634  IMG_7637  IMG_7643 IMG_7651 IMG_7653 IMG_7655  IMG_7683 IMG_7684 IMG_7686 IMG_7687 IMG_7688 IMG_7689 IMG_7692 IMG_7693

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

;

Previous Post

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado”sawirro”

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado”sawirro”

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado"sawirro"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In