Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa ka qayb galay isu soo bax uu soo qaban qaabiyay Guddi Qaran oo Dowladda Soomaaliya u xilsaartay diyaarinta Munaasabadaha Todobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed  oo ku beegan 17-ka April ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay ka qayb galeen Ardayda Iskuulada, Ururada Haweenka, Kooxaha Barbaarta Gaashaaman iyo Baambeyda Booliska  ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa furitaanka Todobaadka Dhirbeerista Qaranka

Isu soo baxa oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu talaalay geedkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ugu talagashay in lagu beero magaalada Caasimada ah iyo Gobolada dalka ee lagu qaban doono Munaasabo waaweyn.

Related posts

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga heerka Qaran ee loo xilsaaray qaban qaabada Munaasabadahaas Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada dhirtu u leeedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in bulshada ay u istaagto beerista dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile ayaa waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in la gaaray waqti dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay isla gartaan Muhiimada dhirtu leedahay, isla markaana dib loo beerayo Dhir fara badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada dhirtu u leedahay noole kasta, waxaana uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed meeelkasta oo ay joogaan in qof kastaa geed beero, taas oo qayb ka qaadan karta dib u nooleynta Qaranka.

‘’Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro, dowladdu waxa ay waddaa barnaamij ballaaran oo degaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka uu qorshe uga dagsan yahay sidii bii’ada dib loogu soo dhisi lahaa, iyadoo la kaashaneysa bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

IMG_7563  IMG_7565  IMG_7574 IMG_7575 IMG_7576 IMG_7577 IMG_7578 IMG_7581  IMG_7583 IMG_7584 IMG_7585     IMG_7604 IMG_7605 IMG_7607 IMG_7619 IMG_7624  IMG_7634  IMG_7637  IMG_7643 IMG_7651 IMG_7653 IMG_7655  IMG_7683 IMG_7684 IMG_7686 IMG_7687 IMG_7688 IMG_7689 IMG_7692 IMG_7693

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

;

Previous Post

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado”sawirro”

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado”sawirro”

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado"sawirro"

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS , Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In