Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka Xoriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka ee Hanoolaato

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Todobaadka Xoriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka ee Hanoolaato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u galeen raadinta xoriyadda iyo madaxbanaanida dadka iyo dalka.

Haddaba,dal kasta oo dunida ka jira wuxuu leeyahay Maalmo la maamuuso kuna astaysan sooyaalka taariikhda dalalkaasi.Dadka Soomaaliyeed waxay Kifaax taxane ah u soo galeen difaacidda iyo xoreynta dalkooda kaasi oo soo bilaawday qarnigii 15aad, markaasi oo uu gumaystuhu bilaabay inuu soo damaaciyo ciidda Soomaaliyeed.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Maalmahaas qiimaha badan ee kuย  xusan taariikhda Halganka Gobanimadoonka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah

11 Jannaayo 1948dii oo ah maalin ka midย  ah maalmaha qiimaha badan ee ku xardhan quluubta dadka Soomaalida.

Dadaaalkii iyo kartidii Xisbiga S.Y.L ay ku ย Maamulaayeen qadiyaddii gobanimo doonka ee dalka waxay keentay in arinta Soomaalida dhowr jeer la dhaxdhigoย  Umadaha midoobay.

Subixnimadii 11kii Jannaayo 1948kii xubnihii SYL ayaa ku dhaqaaqay sameynta bannaanbaxyo iyo dhoollatus lagu muujinaayo rabitaanka dowladnimo ee Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay dalka u soo dirtay guddi u xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Guddigasi waa ay ahaayeen dawladihii afarta ahaa ee ku guulaystay Dagaal weynihii 2aad ee dunida sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midawgii Soofiyeeti,waxayna ujeedadoodu aheyd Ineey hubiyaan waxa dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Xisbiga gobannimadoonka S.Y.L wuxuu ย wada tashi uu la yeeshay shacbiga Soomaaliyeed ka dibย  uu go`aansadayย  afar aragtiyood ooย  kala ahaa :-

Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu xilligaasi ahaa dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu xilligaasi ahaa dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.
  2. Midda labaadna waxaa la is tusay in Ingiriiskuna aan la aamini karin maaddaama uu yahay dawlad gumeysi oo gun ah, Inkasta oo uu sheegayay inuu doonayo in Soomaalida oo idil uu meel isugu keenayo, loona riyaaqay oo haddana aanan la aamini Karin.
  3. 3- in Soomaaliya la siiyo muddo cayiman oo Xornimo gaarsiin ah korna ay ka ilaalinayaan Afarta dowladood ee waaweyn.

4- In mudadaas la diyaariyo nidaamka maamulka iyo dastuurka, si dhamaadka waqtigaas dalka la gaarsiiyo xornimo buuxda iyo madax bannaani.

Dadku waxay iyagoo taageeraya xisbiga ka qeybgaleen abaabulka iyo munasabadda bannaanbaxa, waxaana xaruntii Leegada lagu reebay dad kooban oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan.

Isla xilligaasi uu socday bannaanbaxa waxaa taageerayaashii SYL oo ka maqan xaruntoodii soo gaartay qaylodhaan ah in la soo weeraray xarutii SYL oo ay soo weerareen kooxihii Soomaalida ee Talyaaniga taageersanaa si ay uga hortagaan unaย  carqaladeeyaan bannaanbaxaas.

Intaa ka dib, taageerayaashii SYL waxay isu qaybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar ka hortaga Ciidamadii Talyaaniga. Waxaa maalintaas weerarka lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55 kale. Dagaalkaasna wuxuu la magacbaxay HANNOOLATO, waxaa dhanka Soomaalida kaga dhintay maalintaas dad dhowr ah oo ay ka mid ahayd gabadhii caanka ahayd Xaawo Cissmaan Taako. Allaha u Naxariistee.

Inkastoo si guud loo xuso maalmaha xoriyadda Haddana,11ka Jannaayo ee 1948-dii,waxa ay leedahay ahmiya gaar ah oo aan la iloobi Karin,isla markaana ku qoran taariikhda halganka Soomaalida,sidaa aawadeed,waa waajib in mar kasta loo istaago xuska maalmaha xoriyadda maxaa yeelay qof aan taariikhdii hore wax ka baran, tan soo socotana ma ogaan karo.

Abuukar Gob-doon

Previous Post

Wasaaradda Biyaha XFS oo shirkadaha kala hadashay sidii shacabku ay u heli lahaayeen biyo Nadiif ah

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In