Qoysaskani oo ku kala nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Deegaanka Garas Baaley ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, Timir, Caano iyo Digir taas oo ay ka faa’iideen ku dhawaad kun qoys oo ka mid ahaa dadkii ay saameysay Abaarta dalka kajirta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeqdaan raashinka ah gaarsiiyay qoysaskani,iyadoo goobta ay ku sugnaayeen maamulka Degmada kaxda ee Gobolka banaadir.
Qar ka mid ah dadka deeqda ka faa’iideystay ayaa u mahad celiyay intii ka dambeysay in gurmadkaan la soo gaarsiiyo.
Guddoomiyaha maamulka Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi ayaa sheegay in Tiro badan oo ka mid ah dadka ka soo hayaamay abaaraha ka jira dalka ay ku sugan yihiin degmada kuwaas oo u baahan gurmad joogto ah.