Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu wado Ruushka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Trump oo ka digay in aan la carqaladeyn baaritaanka lagu wado Ruushka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga Dimoqaraadiga ayaa uga digay madaxweyne Trump in uusan u adeegsan warqada rasmiga ah ee uu muranku ka taagan yahay “cudur daar ” uu shaqada uga eryo la taliyaha gaarka ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragalintii Ruushku ku lahaa doorashada Mareykanka.

Waxa ay ka digeen in tallaabada noocaasi ah ay dhalin karto dhibaato dhanka sharciga ah oo aanan dhicin tan iyo xiligii Nixon era.

Waxaa ka taagan magaalada Washignton khilaaf xooggan oo ka dhashay dukumenti ku eedeynaya hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da inay ku xadgudubtay awoodeedda kaddib baaritaan ay ku sameyneysay in kooxdii ololiha Trump ee doorashadii Mareykanka uu xiriir kala dhaxeeyay Ruushka.

Dukumentiga oo ay qoreen gudiga sirdoonka xisbiga Jamhuuriyiinta ayaa ku eedeeyay hay’adda mukhaabaraatka Mareykanka ee FBI-da inay adeegsadeen cadeymo aanan la xaqiijin si ay jaajuusaan kaaliyaha madaxweyne Trump.

Balse haya’adda FBI-da ayaa dukumentigaasi ku tilmaantay mid aan saxneyn.

Xubnaha Dimoqaraadiyiinta ayaa sheegay in tani ay tahay dadaal lagu wiiqayo baaritaanka ee taliyaha gaarka ah ee Robert Mueller.

Madaxii hore ee hay’adda dhexe ee sirdoonka CIA Mareykanka,Leon Panetta, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in warbixintaan lasii daayay ay sumcad xumo aad u weyn u geysan doonto isbaheysiga labada xisbi ee dhanka kormeerida macluuumaadka ah.

Aqalka Congreska ee Mareykanka ayaa daabacay warqad ku eedeyneysa hay’adda mukhaabaraatka FBI-da Mareykanka inay ku takrifashay awoodeedda oo ay ku basaastay ololihii madaxweyne Trump..

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xabsi daa,in oo lagu xukumay nin Gaari ku jiirsiiyey dad Muslimiin ah

Next Post
Xabsi daa,in oo lagu xukumay nin Gaari ku jiirsiiyey dad Muslimiin ah

Xabsi daa,in oo lagu xukumay nin Gaari ku jiirsiiyey dad Muslimiin ah

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In