Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga iyo Israel oo heshiis gaaray

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Turkiga iyo Israel oo heshiis gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Israel iyoTurkiga ayaa heshiis dhanka xiriirka diblomaasiyadda ah gaaray muddo lix sano kadib markii 10 kamid ah muwaadiniinta Turkiga ay ku dileen ciidanka Israel meel u dhow magaalada Gaza ee dalka Falastiin.

Arimaha ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in hey’adaha gargaarka Turkiga ay mucaawano gaarsiin karaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhaqan magaalada Gaza in Israel bixiso $20m (£15m) oo mag-dhow ah oo la siin doono ehelada dadkii ay laayeen ciidanka Israel iyo Turkiga uu mashaariic ka fuliyo Gaza.

Related posts

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in tani ay tahay talaabo horumar ah isla markaana keeni karta in  dhaqaalaha uu kordho.

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa muujiyay in wax badan ka caawin doonto in ay soo hagaagto xaaladda bani’aadanimada ee magaalada Gaza.

Heshiiska ayaa maalinta Tallaadada waxaa saxiixi doona ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim iyo Benjamin Netanyahu oo ah ra’iisulwasaaraha Israel, sida lagu sheegay khudbado si kala gooni gooni ah ay ugu kala jeediyeen magaalooyinka Ankara iyo Rome maanta oo Isniin ah.

Israel iyo Turkey  ayaa lahaa xiriir aad u dhow ka hor inta aan commandos  Isarel aysan ka hor istaagin markab sida mucaawano gargaar ah oo Turkigu leeyahay oo lagu magacaabo Mavi Marmara, kaas oo qeyb ka ah maraakiibta Isarel ee go’doomiyay magaalada Gaza waxayna dhacdadaasi dhacday 31 bishii May 2010-kii.

10 ruux oo ah dadka u ololeeya Falastiiniyiinta oo uu kamid ahaa nin heystay dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu diley weerarkaas markii ciidanka Israel ay markaba ugu soo daateen

Labada dhinac ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeyay rabshada. Ololeeyiyaasha ayaa sheegay in comandoska Israel ay rasaas ku fureen, halka Israel ay sheegtay in markii ay ciidanka ku dul dageen isla markiiba lagu weeraray midiyo iyo qoryo ay ka furteen.

Baaritaano ay QM sameysay ayaan lagu ogaan cida sida rasmiga ah ugu dambeysay weerarka ay ku dhinteen muwaadiniinta Turkiga.

 

Previous Post

Ciidan XDS oo dib ula wareegay deegaanka Goof-gaduud

Next Post

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Belgium

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Belgium

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In