Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo ballanqaaday inuu gacan ka gaysanayo soo noolaynta adeegga Boostada Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo ballanqaaday inuu gacan ka gaysanayo soo noolaynta adeegga Boostada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay guddoomiyaha golaha maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii 2011-kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md Rajab Dayib Erdogan.

Wasiirka ayaa sheegay in waaya-aragnimada iyo kalsoonida ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan waxqabadka ay ku dhiirrigelisay inay codsigaas u soo gudbiyaan, isagoo intaasi ku daray inuu rajeynayo in Boostada Turkigu wax kala qabato sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha dalka ka dhoofaya.

Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waaya-aragnimada iyo xiriirka Diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka. Si looga mira-dhaliyo arrimahan waxay labada wafdi magacaabeen guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.

“Waan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cuna-qabateynta, isla markaana aan codeyno markii ugu horreysay burburka ka dib. Laakiin in boostada dibedda loo diro waa hawl aad iyo aad u culus oo u baahan qalab, aqoon iyo isku-xirka adduunka, kuwaas oo aan looga maarmin walaalaha Turkidu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Cashuur oo intaasi ku daray in ay xoogga saarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa.

“Isgaarsiinta ka dib boostadu waxay noo tahay mudnaanta 2aad, waayo waa fududeeyaha ganacsiga internet-ka (ecommerce), fududeynta adeegyada maaliyadda iyo in dadweynaha loo soo dhoweeyo adeegyada dawladda (egovernment). Waxaan dooneynaa inaan dhisno boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Previous Post

Dorashooyin madaxtinimo oo ka bilaabatay Afganistaan

Next Post

Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo tababar u furay Gorsoorayaal iyo Xeer ilaaaliyaal ka socda Dowlad Goboleedyadda

Next Post
Waxqabadka Dowladda Soomaaliya Todobaadkii lasoo dhaafay “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo tababar u furay Gorsoorayaal iyo Xeer ilaaaliyaal ka socda Dowlad Goboleedyadda

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In