Maxkamadeynta 57-qof oo lagu soo eedeeyay in ay ahayeen Jawasiis ka tirsan sirdoonka Israa’iil ayaa maanta oo Arbaco ah ka socota magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Eedeysanayaasha waxaa qeeyb ka ah kuwa lagu soo eedeeyay inay ku howlanayeen diyaarinta ficillo lagu beegsanayo dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta ah ee degan Turkiga ee ka soo horjeeda gueysiga Isra’iil.
Inta badan Eedeysanayaasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha loo soo jeediyay, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolia.
Xeer ilaalinta guud ee Turkiga ayaa codsatay in eedaysanayaasha lagu xiro xabsiyo adag inta uu ka caddaanaya danbigooda.
Sidokale, Xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay in dhamaan dadkan la soo eedeeyay lagu xukumo muddo Xabsiyeeed u dhexeeya 15 ilaa 20 sano, iyadoo la eegaya qodobka ay ku eedeysanyahiin oo ah basaasnimo siyaasadeed.
Xeer ilaalinta guud ee Turkiga, ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya lacago badan oo dadkan loo soo mariyay shirkado xawaaladeed oo caalami ah.