Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo ka qayb qaadanysa dhisida laamaha Garsoorka Soomaaliya (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo ka qayb qaadanysa dhisida laamaha Garsoorka Soomaaliya (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Faarax sheekh Cabdiqaadir ayaa  booqasha ku jooga maalmahan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ka dib markuu ka helay casuumaad rasmi ah dhigiisa Turkiya Mudane Bekir Bozdag

Waxaa booqashadan  ku weheliyay Wasiirka ,Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda iyo Lataliyaal  dhinaca sharciga ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Booqashadan oo qaadanaysa afar maalmood waxay labada dhinac kawada hadli doonaan xiriirka labada wasaaradood iyo in Wasaaradda Cadaaladda Turkigu ay ka qayb qaadato dhismaha laamaha Garsoorka Soomaaliya.

Wuxuu wafdigu booqan doonaa laamaha kala duwan ee Garsoorka dalka Turkiya sida Golaha Garsoorka, maxkamadaha. Xeer ilaalinta, kuliyada wasaaradda cadaaladda, iyo kuwa kale.

Sii hayaha Wasiirka  Cadaaladda Faarax sheekh Cabdiqaadir ayaa dadaal dheer ugu jira  sidii loo soo celin lahaa adeegga laamaha garsoorka heer federaal iyo mid degmooyinba, iyo  waliba dayacrirka xarumaha Garsoorka, tayanta shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in dawlada Turkiya ay ka qayb qaadanayso dibu dhiska dalka, sida dayactirida xarumaha dawladda, waddooyinka iyo bixinta deeqo wax barasho.

Boqashada Wasiirka ayaa sare u qaadaysa saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga oo wixii ka dambeeyay abaarihii 2011kii iyo boqashadii Rajab Dayib Erdogan ee Muqdisho inay gaadhay heerkii ugu sarreeyay balse caawinta Turkiga ee dhanka Garsoorka iyo Maxkamadaha ayaa ah mid u baahan in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato si loo helo nidam garsoor hufan oo Soomaaliya ka hana qaada.

5 (1) 11 IMG_2402

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Hatem Ben Arfa oo Ku Biiray Kooxda Nice ee Dalka Faransiiska

Next Post
Hatem Ben Arfa oo Ku Biiray Kooxda Nice ee Dalka Faransiiska

Hatem Ben Arfa oo Ku Biiray Kooxda Nice ee Dalka Faransiiska

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In