Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo saldhig militiri ka sameynaya Soomaaliya

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo saldhig militiri ka sameynaya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Turkiga ayaa bilaabay dhismaha saldhiga militiri oo uu ku yeelanayo Soomaaliya taas oo qeyb ka ah balan qaadkii oo horey u sameeyay kaas oo ahaa in uu dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida ee dalka, sida laga soo xigtay diblomaasi sare oo Turkiga ah.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasaaradda arimaha dibadda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in qorshahan lagu dhisayo saldhiga militiri uu qeyb ka yahay heshiiskii u dhaxeeyay labada dowladood oo ahaa iskaashiga dhanka militiriga ah, waxaana la rajaynayaa in askarta Soomaaliyeed ay tababaro siin doonaan saraakiisha Turkiga gudaha dalka.

” Tani waa xarunta militiri oo ah mid muhiim ah, siin doonatana tababaro guud ahaan qaaradda oo dhan (Afrika),”  waxaa sidaasi sheegay Emel Tekin, oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda.

Turkiga sidoo kale waxaa uu Soomaaliya ka hirgelin doonaa Iskuul militiri oo wax lagu bari doono dhamaan saraakiisha iyo dableyda ciidanka Soomaaliya.

Tekin ayaa sheegtay, markii ay booqashada ku imaanaysay Soomaaliya in ay garowsatay in askarta Soomaaliyeed ay xiran yihiin noocyo kala duwan oo tootaha dharka ciidanka iyo kabaha oo sidoo kale ay ku deeqeen wadamo badan oo u badan kuwo Khaliijka iyo miwoga Yurub.

Emel Tekin ayaa sidoo kale sheegtay in hirgelinta saldhigan militiri u jeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa  qaab nidaam oo ay yeeshan ciidanka Soomaaliya, iyadoo dowladda Turkiga ay hormuud ka tahay arintaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku caawisay $400 million  oo gargaar ah sanadahan dambe sida laga soo xigtay wasaaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

Xigasho: Worldbulletin.net

 

Previous Post

Shirweynaha  guddiga Olombikada Soomaliya oo  lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In