Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tuugo dadka baad kaga Qaadi jirtay Β magaca Argagixisada Al-Shabaab oo

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Tuugo dadka baad kaga Qaadi jirtay Β magaca Argagixisada Al-Shabaab oo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo loo haystay in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca argagixisada Al-shabaab, kuwaa Afduubka u geeystay dhowr qof si ay madax furasho ka qaateen ayaay maanta xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanjireen Bixinta lacagaha ay Argagixisada ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeysoΒ  kun ilaa laba kun oo dolarka Maraykanka, waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, sidokale waxaayΒ  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaallo Cirifyada MuqdishoΒ  iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaashaΒ  GoobjooggaΒ  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ayΒ  ku war geliyeen Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ooΒ  soo qabtay labadan eedeeysane, dabayaaqadii bishii May ee sanadkan.

July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta Dacwaddan ay ka Codsadeen Maxkamadda in Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif,Β  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xittaa ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyaan taas oo ay ka dhalan karto in ay wada Qarxaan middaas oo u fududayneysa in ganacsatadaΒ  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

Previous Post

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xiriirka Shiinaha iyo Carabta

Next Post

Madaxweyne Biden oo beeniyay Warar laga faafiyay

Next Post
Madaxweyne Biden oo beeniyay Warar laga faafiyay

Madaxweyne Biden oo beeniyay Warar laga faafiyay

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In