Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

U-dabaaldegga xuska maalinta cayaaraha oo Muqdisho laga dareemay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Keydka Sawirrada
0
U-dabaaldegga xuska maalinta cayaaraha oo Muqdisho laga dareemay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Munaasabad lagu xusayay maalinta cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ka ahaa marti-sharaf ay ka mid ahaayeen: Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, madaxda Guddiga Olombikada  Soomaaliya, madaxda xiriirrada  cayaaraha dalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kooxda  muusikada ee ciidamada Booliska iyo Asluubta , fannaaniin iyo ka-qeybgalayaal kale oo badan.

In ka badan  2,000 oo ciyaaryahan, oo ka kala socday xiriirada cayaaraha dalka,  degmooyinka, Jaamacadaha, iyo Iskuulada ayaa waxa socod ku mareen garoonka, iyaga oo jaanta la qaadaya muusig ay tumayaan kooxda Baambayda.

Ibrahim Xuseen Roombe, oo Guddiga Olombikada u qaabilsanaa qabanqaabada munaasabadda, ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay in qabanqaabada munaasabaddan ay  aad uga heersarreyso tii sanadki hore. Waxaana ii ujeedka munaasabadda ku sheegay isbarsahda iyo isdhexgalka dhallinyarada cayaaraha ku jira.

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa caddeeyay in Intii uu isagu xilka gobalka hayay uu maamulkiisu  sare u qaaday  cayaaraha  gobolka,  isla  markaana  la doonayo in sare looga sii qaado halka uu hadda joogo.

Ugu  dambayn, Wasiirka cusub ee dhallinyrada iyo Cayaaraha Marwo- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa ay jeedisay hadal ay kaga warbixisay qorshayaasha Wasaaraddeeda, iyada oo ballanqaadday in ay muhiimadda saari doonto horumarinta cayaaraha.

Wasiir Khadiija ayaa u mahadcelisay Guddiga Olombikada Soomaaliya iyo Xiriiradiisa oo ay sheegtay in aysan la’aanytood qabsoomi lahayn munaasabaddan.

Munsaabaddan, oo dhanka kale ay  wehlisay xuska maalinta  cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa waxa uu sannadkan noqonayaa kii afaraad ee la xuso.

Waxaana ay noqotay mid ka mida dhacdooyinka ugu ballaaraan ee ay GOS kula dabaaldegto bulshadeeda.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

  

Waaxda Wafaafinta GOS

 [email protected]

Previous Post

Ugaas Maxamed wali oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan deeganno hoostaga Balcad “Dhageyso”

Next Post

Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Next Post

Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In