Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

U-dabaaldegga xuska maalinta cayaaraha oo Muqdisho laga dareemay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 13, 2017
in Ciyaaraha, Keydka Sawirrada
0
U-dabaaldegga xuska maalinta cayaaraha oo Muqdisho laga dareemay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Munaasabad lagu xusayay maalinta cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ka ahaa marti-sharaf ay ka mid ahaayeen: Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, madaxda Guddiga Olombikada  Soomaaliya, madaxda xiriirrada  cayaaraha dalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kooxda  muusikada ee ciidamada Booliska iyo Asluubta , fannaaniin iyo ka-qeybgalayaal kale oo badan.

In ka badan  2,000 oo ciyaaryahan, oo ka kala socday xiriirada cayaaraha dalka,  degmooyinka, Jaamacadaha, iyo Iskuulada ayaa waxa socod ku mareen garoonka, iyaga oo jaanta la qaadaya muusig ay tumayaan kooxda Baambayda.

Ibrahim Xuseen Roombe, oo Guddiga Olombikada u qaabilsanaa qabanqaabada munaasabadda, ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay in qabanqaabada munaasabaddan ay  aad uga heersarreyso tii sanadki hore. Waxaana ii ujeedka munaasabadda ku sheegay isbarsahda iyo isdhexgalka dhallinyarada cayaaraha ku jira.

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa caddeeyay in Intii uu isagu xilka gobalka hayay uu maamulkiisu  sare u qaaday  cayaaraha  gobolka,  isla  markaana  la doonayo in sare looga sii qaado halka uu hadda joogo.

Ugu  dambayn, Wasiirka cusub ee dhallinyrada iyo Cayaaraha Marwo- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa ay jeedisay hadal ay kaga warbixisay qorshayaasha Wasaaraddeeda, iyada oo ballanqaadday in ay muhiimadda saari doonto horumarinta cayaaraha.

Wasiir Khadiija ayaa u mahadcelisay Guddiga Olombikada Soomaaliya iyo Xiriiradiisa oo ay sheegtay in aysan la’aanytood qabsoomi lahayn munaasabaddan.

Munsaabaddan, oo dhanka kale ay  wehlisay xuska maalinta  cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa waxa uu sannadkan noqonayaa kii afaraad ee la xuso.

Waxaana ay noqotay mid ka mida dhacdooyinka ugu ballaaraan ee ay GOS kula dabaaldegto bulshadeeda.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

  

Waaxda Wafaafinta GOS

 [email protected]

Previous Post

Ugaas Maxamed wali oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan deeganno hoostaga Balcad “Dhageyso”

Next Post

Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Next Post

Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In