Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Uganda iyo Tanzania oo daah furey mashruuc balaaran oo dhuumaha saliida qaada ah

caqiil by caqiil
August 6, 2017
in Wararka
0
Uganda iyo Tanzania oo daah furey mashruuc balaaran oo dhuumaha saliida qaada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli iyo dhigiisa Uganda  Yoweri Museveni  ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dhuun qaada saliid ceyrin oo ka bilaabaya  deegaanka Hoima ee dalka Uganda gaaraysana  dekada Tanzania ee badweynta  Indian ee Tanga.

Dhuunta saliida ceyriin ee bariga Afrika oo loo soo qaabiyo EACOP  ayaa lagu dheririn doonaa 1,443-kilometer taas oo uu ku kacayo aduun gaaraya 3.55 billion  oo dallarka Amerikaanka ah, waxayna maalintiii qaadaysa  200,000 liter oo saliid ah marka uu mashruuca la howlgeliyo. Kaas noqon doontaa kan ugu balaaran adduunka oo nooceeda ah.

Related posts

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025

Madaxda ku howlan dhismaha dhuuntan shidaal ayaa sheegay in ay bilaabi doonan mashruucan horaanta sanadka 2018 isla markaana qaadan doonta muddo 36 bilood ah iyadoo abuuri doonto 6,000 ilaa 10,000 oo shaqo.

Keydka saliida ee dalka Uganda ayaa hadda lagu qisaasaa 6.5 billion oo fuusto oo laga soo saari karo 1.7 billion dhul gaaraya.

Munaasabadda lagu dah furayay mashruucan ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin sar sare oo ay kamid yihiin wasiiro iyo saraakiil kale oo ka kala socota hey’adaha kala duwan ee dowladda oo mashruucan uu quseeyo.

Isagoo ka hadlayay xafladda taariikhiga ah, ayuu madaxweyne Magufuli sheegay in mashruucan uu yahay mid horumar deg deg ah u keeni doono labada dal iyo guud ahaan bulshada bariga Afrika.

Madaxweynaha dalka Tanzania Mr. Magufuli, ayaa intaa ku daray in gobolka Tanga oo kali ah ay mashruucan ka faa’ideysan doonaan in ka badan 45,000 oo dhalinyaro ah.

Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa ku tilmaamay in dekada Tanga ay tahay muhiim  halka jugfaari ahaan ay ku taalo iyo nabad geliyadda gobolka.

Waxaa uu sheegay in mashruucan uu keeni doono saliid qiimo jaban korna u qaadi doonta duulimaadka gobolka, maadaama shirkadaha diyaaradaha ay heli karaan shidaal raqiis ah.

Wasiir ku xigeenka tamarta iyo macdanta ee dalka Tanzania Medard Kalemani, ayaa sheegay,  in dhismaha dhuuntan shidaal ay fulin doonaan sadex  shirkadood oo labo kamid ah laga leeyahay dalka France halka tan kale UK ka socoto.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dhuuntan ay mari doonto sideed gobolka oo Tanzania ka tirsan 24 degmo iyo 184 tuulo.

Dowladda Uganda ayaa qorsheynaysa in ay bilowdo soo saarista shidaalka sanadka 2020, waxaana la leeyahay sababta marinta Tanga loo doortay in ay tahay in Uganda uu qiimo ahaan u jaban yahay waddadan maadaama dhulka uu u badan yahay mid siman oo aan kala koreynin.

 

Previous Post

RW Khayre oo booqday kaydka raashinka ee ciidanka dalka Soomaaliya-Sawirro

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqidsho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqidsho

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
0

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In