Sida ay tibaaxday warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan oo sida ugu dhakhso badan loogu bilaabo dadka dunida ugu saboolsan, ayaa hoos u dhigi kara kor u kaca hadda jira ee xaaladaha COVID-19, maadaama uu barnaamijkaasi ku dhowaad saddex bilyan oo qof guryaha ku hayn doono.
Warbixinta oo loo bixiyay, Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan: oo lagu Badbaadinayo Dadka Saboolka ah iyo kuwa Nugul ee ku nool Dalalka soo Koraya, ayay warbixintu ku qiyaastay in bil kasta loo baahan doono lacag dhan $199 bilyan oo Doollar si dakhli asaasi ah oo muddo go’an socda loogu dammaanad qaado dad gaaraya 2.7 bilyan oo qof oo khadka saboolnimada ka hooseeya ama madaxa kala baxay oo ku kala nool 132 dal oo soo koraya.
Gunaanadka warbixnta waxaa lagu sheegay in tallaabadaani ay tahay mid suurogal ah oo si degdeg ah loogu baahan yahay iyadoo toddobaad kasta ay dad ka badan 1.6 malyan oo qof, oo u badan dalalka soo koraya ay la soo dhacaan xanuunka safmareenka ah, dalalkaasoo tobankii xoogsato ahba sagaal ka mid ahi ay noloshooda kala soo baxaan ilaha dhaqaale ee aan rasmiga ahayn, taas oo macneheedu yahay inaysan wax dakhli ah heli karin haddii ay guryohooda fariistaan.
Dadkaas tirada badan ee aan dalalkoodu barnaamijyada caymiska bulshada lahayn, waxay u badan yihiin xoogsato, dadka mushahaar yar ku shaqeeya, haween iyo dhallinyaro, qaxooti, dad socdaal ku yimid iyo dad naafo ah – dadkaasoo ah kuwa ay dhibaatadaani sida aadka ah u taabatay. UNDP waxay bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafay qiimeyn ku sameysay raadadka dhaqan-dhaqaale ee COVID-19 uu ku yeeshay dalal 60 kor u dhaafaya, iyadoo natiijadii ka soo baxday ay muujisay in xoogsatada aan haysan caymis bulsho aysan gurigooda dakhli la’aan iska fadhiyi karin.
Dakhli Asaasi ah oo Muddo Go’an socda ayaa dadkaas siin doona awood ay cunto ku gataan oo ay kharashyada caafimaadka iyo waxbarashada isaga bixiyaan. Waxaa intaas dheer, in arrintaani ay dhaqaale ahaan suurogal tahay: Tussale ahaan, si loo bixiyo Dakhli Asaasi ah oo lix bilood ku Muddaysan, waxaa loo baahan doonaa oo kaliya boqolkiiba 12 ka mid ah miisaaniyadda guud ee sannadka 2020 loogu talogalay ka hortagga COVID-19, ama wax u dhigma saddex-meeloodow-meel lacagta ay tahay in dalalka soo koraya ay amaahda lagu leeyahay ka bixiyaan sannadka 2020.
“Waa baaq la soo saaray xilliyo aan iyagoo kale horay loo arag, oo wax looga qabanayo xaalado bulsho iyo kuwo dhaqaale oo aan horay dunida u soo marin. Waa qorshe la doortay oo Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan lagu siinayo dadka dunida ugu saboolsan. Dhawr bilood ka hor arrintaani waxay dadka ula muuqatay arrin aan suurogal ahayn” ayuu yiri Maamulaha UNDP, Achim Steiner.
Isagoo raaciyay “Taageerada maaliyadeed ee dawladdu bixiso iyo qorshayaasha kabista dhaqaaluhu waa inaysan ku koobnaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiyada waawayn oo kaliya. Dakhli Asaasi ah oo Muddaysani wuxuu dawladaha u oggolaan doonaa inay dadweynaha bandowga ku jira taakulayn dhaqaale u fidiyaan, oo lacag caddaan ah dhaqaalaha dalka ku fatahaan si ganacsiyada yaryari u badbaadaan, iyadoo isla markaas hoos loo dhigayo fiditaanka ba’an ee COVID-19.”
Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani xal mucjiso ah uma aha culayska dhaqaale ee xanuunka safmareenka ahi keenay, ee waxaa jira tallaabooyin kale oo dawladuhu ay qaadi karaan sida; badbaadinta shaqooyinka, kordhinta taageerada la siiyo shirkadaha yaryar, kuwa madaxa la soo kacaya iyo kuwa heerka dhexe iyo adeegsiga aaladaha casriga ah si loo aqoonsado oo loo gargaaro dadka la takooro.
Hab ka mid ah hababka ay dalalku u hirgelin karaan barnaaminka Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani wuxuu noqon karaa, iyadoo dalalku lacagtii ay sannadkaan adeegga amaahdooda ku bixin lahaayeen u leexiya barnaamijkaan. Sida ay sheegayso xog rasmi ah, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaalohoodu madaxa la soo kacayo waxay amaahda lagu leeyahay sannadkaan ku bixin doonaan kharash gaaraya $3.1 tirilyan oo Doollar. Amaah bixinta oo gebi ahaanba laga joojiyo dhammaan dalalka soo koraya, sida uu ku baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa si ku meelgaar ah dalalkaas ugu oggolaan doonta inay dhaqaalahaas u weeciyaan tallaabooyinka lamahuraanka ah ee lagula tacaalayo raadadka taban ee ka dhashay mahadhada COVID-19.
Dhawr dal ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku hirgelinayaan Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysan. Dawladda Togo waxay barnaamij lacag xawilis ah, gargaar maaliyadeed oo ka badan $19.5 malyan oo Doollar si bille ah ugu qaybisay boqolkiiba 12 ka mid ah muwaadiniinta dalkaas, oo u badan haweenka ka shaqeeya ilaha dhaqaalaha ee aan rasmiga ahayn. Dawladda Spain waxay iyaduna hadda oggolaatay miisaaniyad bil kasta €250 malyan oo Yuuro lagu kabayo dakhliyada 850,000 qoys oo taag daran iyo 2.3 malyan oo dad kaligood nool ah si dakhliyada dadkaas loo soo gaarsiiyo heerka ugu hooseeya ee nolosha caadiga ah.
Xanuunka COVID-19 wuxuu kor u sii qaaday kala sarreyntii dadka ee heer caalami iyo heer qaranba, wuxuuna abuuray sii kala fogaansho si ba’an dadka taagta daran u saameysay. Iyadoo sannadkaan 2020 gudihiisa, ay ilaa 100 malyan oo qof oo kale u durkeen dhinaca saboolnimada aadka u daran, 1.4 bilyan oo carruur ahna ay saameysay xiristii iskuulladooda la xiray, shaqo la’aantuna ay xadkii ugu sarreysay gaartay, meheradihii dadweynuhuna meesha ay ka bexeen, ayay haddana UNDP saadaalinaysaa in horumarka insaanka (Human Development) ee caalamku uu sannadkaan markii ugu horreysay hoos u dhici doono, laga soo bilaaabo markii la allifay qiyaasidda horumarka insaanka.
Hay’adda UNDP waxay hoggaanka u haysaa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Qaramada Midoobay (UN) ugu talogashay ka soo kabashada COVID-19, waxayna hirgelisaa istaraatiijiyooyinka soo kabashada bulshooyinka iyo dhaqaalaha ee dalalka dunida oo dhan.