Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHABITAT oo Nairobi Ku Qabatay Shir ay Ku Soo Bandhigeysay mashaariicda gargaarka ah oo ay Ka Wado Soomaaliya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
UNHABITAT oo Nairobi Ku Qabatay Shir ay Ku Soo Bandhigeysay mashaariicda gargaarka ah oo ay Ka Wado Soomaaliya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda soomaaliya waxa uga qeyb galay shirkaasi ay hay’adda UNHABITAT ku soo bandhigeysay mashaariicda gargaarka ah oo ay dalkeena ka wado wasiirka wasaarada caafimaadka xukaamada soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed, safiirka soomaaliay u fadhiya dalkani kenya Jamaal Maxamed Xasan, qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh Cali bagadi iyo xubno kale.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dib u dajinta qaxootiga ee UNHABITAT oo muddo 17 sanno ah ka howl galeysay dalka soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigtay dad soomaaliyeed oo gudaha dalka ku barakacay oo ay dib u dajin u sameysay hay’adu,mashaariic dib u dhis oo ay ka fulisay qeybo kamid ah soomaaliya lacago ay ugu yaboohday dadka barakacayaasha ah ee gudaha dalka ku nool, iyo howlo kale oo gargaar iyo iyo dib u dajin isugu jiro oo ay ka fulisay qeybo kamid ah dalkeena,

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Shirkan oo ka dhacay xarunta qaramada midoobay ee magaalada Nairobi ayaa waxaa gudoominayay madaxa hay’adda UNHABITAT Dr Joan Clos waxaana kasoo qeyb galay xubno ka socdo in ka badan 54 dowladood oo ay ku jiraan dowladaha deeq bixiyaasha.

Ugu horeyn Madaxa hay’adda UNHABITAT Dr Joan Clos ayaa ka jeediyay kulanka khudbad dheer oo uu kaga hadlaayay arrimaha samafalka iyo caaawinta dadka gudaha dalka ku barakacay oo ay soomaaliya ka wado UNHABITAT, kadibna waxaa aragtidooda ku aadan howsha ay soomaaliya ka qabato hay’adda la weydiiyay xubnihii ka socday dowladaha caalamka qaar kamid ah,iyagoo ugu hambalyeeyay hay’adda UNHABITAT caawinta dadka soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka ee xukuumada Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo hadal kooban ka jeedisay shirka ayaa tilmaamtay in ay muhiim ay tahay in dowlada soomaaliya ay la socoto howl walba oo ay dalka ka wadaan hay’adaha samafalka caalamka, iyadoo UNHABITAT uga mahad celisay sida ay ula wadaagtay dowlada wax yaabaha uga qabsoomay howlahooda.

Kulanka oo socday ku dhawaad 4 saacadood ayaa markii uu soo gababoobay waxaa si wada jir ah warbaahinta qaranka ula hadlay wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo safiirka soomaaliya ee u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan.

Ugu horeyna danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbixin dheeri ah ka bixiyay shirka ay UNHABITAT ku soo bandhigeysay howlaha ay ka qabatay dalka soomaaliya,isagoo sheegay in ay doonayeen in ay ogaadaan sida dalkeena wax uga qabato UNHBAITAT.

Marwo Xaawo Xasan Maxamed wasiirka caafimaadka xukuumada soomaaliya ayaa ka hadashay shirka ay magaalada Nairobi ay uga qeyb gashay iyo doorka ay dowlada soomaaliya ku leedahay la socodka howlaha ay dalkeena ka wadaan hay’adaha caalamka.

Wasiirka caafimaadka soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed,safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh Cali bagadi ayaa shirkaasi markii uu dhamaaday kadib waxa ay kulan gaar ah la yeesheen madaxda hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan dib u dajinta qaxootiga soomaaliya Dr Joan Clos, iyagoo kala hadlaayay muhiimada ay leedahay in dowladda soomaaliya ay ka war heyso shaqo kasta oo ay gudaha dalka ka wadaan hay’adaha shisheeye,iyo sidii ay Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan u dib u dajinta qaxootiga u sii laba laabi lahayd howlaha samafalka ah oo ay gudaha dalka ka wado kuna balaariso dhammaan gobolada dalka soomaaliya.

11 22 33 44 55 66 77 99 1010

Sawir qaade: Xasan Cumar Baffo

Previous Post

Obama Oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya Mareykanka U Fadhin Doona

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay jaangoynta iyo maareynta daqliga “Dhageyso+sawirro”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay jaangoynta iyo maareynta daqliga “Dhageyso+sawirro”

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay jaangoynta iyo maareynta daqliga "Dhageyso+sawirro"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In