Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHCR oo gaadiid boolis ku wareejisay booliska kenya ee ilaaliya xeryaha qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda UNHCR oo sheegtay in qaxooti Soomaali ah ay dib ugu noqdeen dalkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska  Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan UHNCR ee magaalada Nairobi ayaa gaadiid loogu tala galay in lagu ilaaliyo ammaanka Xeryaha Qaxootiga ku wareejiyay Booliska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Guddiga Qaxootiga UNHCR ee Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqay booliska Kenya 10 Gaadiid oo ah nooca Booliska, si arrintaasi ay uga caawiso ilaalinta ammaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo xuduuda gobolka Waqooyi bari.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Wakiilka UNHCR u qaabilsan Waddanka Kenya Raouf Mazou  ayaa sheegay in gaadiidkaan loogu talay Saraakiisha ammniga, si ay ugu sahlanaato inay suggaan ammaanka gudaha iyo hareeraha Xeryaha qaxootiga.

“Mas’uuliyadeenu waxa ay tahay in aan bixino taageerada lagama maarmaanka ee loo baahan yahay, si sare loogu qaado nabadda Qaxootiga” ayuu yiri Raouf Mazou xilli uu gaadiid ciidan ku wareejinayay madaxa ammniga gobolka Waqooyi bari Maxamed Saalax.

Sidoo kale gaadiidkaan Booliska, waxaa loo adeegsan doonaa, fududeynta iyo galbinta gargaarka beni’aadanimo iyo howllaha kale ee sharci fulinta, marka loo baahdo.

Isku dubaridaha dhinaca ammniga ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Maxamed Saalax ayaa dhankiisa sheegay in gaadiidkaan ay uga faa’ideysanayaan ammaanka gobolka oo uu xusay in uu soo hagaagayay 10 bilood ee lasoo dhaafay.

“Gaadiidkaan waxaan sidoo kale u isticmaali doonaa ka hortaga dambiyada ka dhaca gudaha Xeryaha iyo in aan yareeno cabsida ay dareemayaan Bulshada” ayuu yiri.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro dhiig badan uu ku daatay ka fuliyay gobolka Waqooyi bari oo uu ka mid yahay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 Qof, waxaana tan iyo markaasi socday dadaallo lagu adkeynayo ammniga gobolka.

Previous Post

Tartanki ciyaaraha ardayda dugsiyada Jeneraal Daa’uud oo la soo gebagebeeyay “Sawirro+Video”

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamaanka hortagaya

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Doha Qadar halkaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamaanka hortagaya

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In