Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

UNHCR oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan ka qaaday Libya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa khamiistii shalay si nabdoon uga daad gureysay dalka Libya 149 qof oo qaxooti iyo megangalyo doon isugu jira, iyadoo geysay dalka Talyaaniga.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dadkan ayaa ku go’odoonsanaa dagaalada ka oogan hareeraha magaalada caasimadda ah ee Tripoli, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku dhinteen lix ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

149-ka qof ee laga qaaday Libya – ayaa ku dhawaad kala bar ahaa carruur – waxeyna ka soo kala jeedaan dalalka Eritrea, Somalia, Sudan iyo Ethiopia.

Farhan Haq, oo ah ku xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in carruurtaasi badankood ay ka muuqato nafaqa darri ayna u baahanyihiin daweyn iyo nafaqeyn deg deg ah.

Waxaa laga soo qaaday xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay Tripoli kaddib markii ay ka soo badbaadeen bilo ay xaalado halis ah ku jireen, iyagoo ku suggan xarumo dadka lagu hayo.

Sida uu sheegay Haq, dagaalka ka socda gudaha iyo hareeraha Tripoli ayaa waxaa ku dhintay lix ka tirsan shaqaalaha caafimaadka, todoba kalena wey ku dhaawacmeen, ka dib markii horaantii todobaakan si ula kac ah gantaalo loogu dhuftay laba ka mid ah gawaaridda ambalaasyada ee gurmadka deg degga ah.

Dadkan ugu dambeeyay ee laga qaaday Libya ayaa yimid ka dib markii 62 qaxooti ah oo isugu jiray Siriyaan, Sudan iyo Somali ka carartay Libya ay tageen xarunta gurmadka deg degga ah ee UNCHR ay ku leedahay magaalada Timisoara, ee dalka Romania, ka hor inta aan loo duulin Norway oo qaxootigaasi aqbashay inay qaadato.

Xigasho VOA Soomaali

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In