Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Urur ay leeyihiin da’yarta araga la’ oo maanta lagu dhawaaqay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Urur ay leeyihiin da’yarta araga la’ oo maanta lagu dhawaaqay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan ayaa lagu daah-furay ururka da’yarta arag la’aanta ah ee Soomaliyeed ee SOYAB, kaas oo ay muddo ku hamminayeen in ay sameystaan, waxaana ka qeyb-galay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ururrada Haweenka  Qaranka iyo kan gobolka, dhallinyarada Qaranka, bulshada qeybo ka socdey, waxaana soo diyaariyey munaasabadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan mudaneyaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Daah-furka ururka SOYAB, waxaa lagu soo bandhigay xubnaha hoggaamin doona sida C/raxmaan Jeynaani Maye oo 18, May indhaha loo fiiqay  oo ah xog-hayaha ururka  da’yarta aragga la’ iyo Amaal Cabdulaahi Axmed oo ah Xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee ururkaasi, ayaa  labaduba fikirkooda ku cabiray in ay u baahan yihiin garab istaag maadaama ay isku tashadeen, iyagoo codsaday in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda in ay taageeraan ururkooda.

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

Guddoomiyaha Guud ee Ururka da’yarta aragga la’a ayaa isagana ku baaqay in loo istaago sidii loola shaqeyn lahaa ururka Soyab oo u taagan sidii wax loogu qaban lahaa, xuquuqdoodana loogu heli lahaa dadka aragga la’a.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha ururka Haweenka  gobolka Banaadir, ayaa labaduba ugu baaqay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in ay dabagal ku sameyso xarun waxbarasho oo madaxda sarre ee Qaranka ay amreen in loo baneeyo dhallinyarada baahiyaha gaarka qaba, bulshada ahaanna ay arrintaasi madaxdu warbixino uga  geyn doonaan.

Xildhibaannada Sacdiya Careys Ciise, ayaa sheegtay in haweenka Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan in ay si buuxda u taageeri doonaan dadka baahida  gaarka qaba, gaar ahaan ururkan ay soo Hindiseen dhallinyarada aragga la’a.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa uga mahadceliyey bulshada Soomaaliyeed sida ay isu taageeraan, gaar ahaan Mama Sahra oo ah hooyo Soomaaliyeed oo  u istaagtay sidii dadka naafadaha ah iyo kuwa liita  wax loogu qaban lahaa, isagoo ku baaqay in la xoojiyo is caawinta dadka Soomaaliyeed, maadaama ay lagu soo fool leedahay bisha Ramadaan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Nuux, ayaa sheegay in dadaal badan ay wasaaraddiisu ku bixin doonto sidii loo heli lahaa dhallinyarada baahida gaarka ah qaba oo ka mid noqda Shaqaalaha dowladda, isagoo xusay in Bisha Ramadaan in isaga iyo Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ay ku yabooheen 5,000 oo dollar, loogu talagalay afurinta ardeyda aragga la’a.

Dhallinyarada aragga la oo  inta badan wax bartay kuwa kalena ay weli wadaan, ayaa soo b andhiggay hammi ku saleysan wax wada qabsi kaddib markii ay dhiiragelin ka haleen dad Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Xildhibaan ka  tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

vlcsnap-2015-06-09-13h53m41s140 vlcsnap-2015-06-09-13h55m27s185 vlcsnap-2015-06-09-13h55m36s16 vlcsnap-2015-06-09-13h52m51s153 vlcsnap-2015-06-09-13h53m01s1 vlcsnap-2015-06-09-13h51m41s215 vlcsnap-2015-06-09-13h51m49s50

W/D:Feysal Muuse

 

Previous Post

Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka hadlay xallinta Baarlamaanka Jubba

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In