Uruurka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhiig bixiyaasha Gobolka Banaadir oo kashanayaan Maamulka Gobolka ayaa waxa ay u istageen in dib loo soo celiyo Bankiga dhiiga oo muddo dhowr iyo labaatan sano ah aan dalka ka shaqeen.
Sidoo kale Dhallinyaradan ayaa wacyigalin waxay ka wadaan magaalada Muqdisho taasi oo ujeedkoodu yahay in la ogaado nuuca qafkasta dhiigiisa uu yahay si hadii dhibaato u timaado looga faa’iideysto dhigiisa asigo lasocda nooc uu yahay dhiigiisa (blood type)
Guddoomiyah Guddiga dhallinyarada Adeega dhiiga ee Goblka Banaadir Axmed Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in adeegan uu muhiimad balaran u leeyahay Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana qofkasta oo ay ogadaan dhigiisa ay sinayaan aqoonsi (ID) uu ku qoranyahay magaciisa iyo nuuca dhigiisa uu yahay.
Qaar ka mid ah dhalliyarada ogaaday dhiigooda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin in maanta wixii ka dambeeya ay yaqaaniin nuuca uu yahay dhiigooda, si ay ugu deeqaan bulshada qofkii u baahda dhiiga ay yihiin.