Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Cayaartooyda Jaaliyadda Melbourne oo ka adkaaday Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

November 24, 2017
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartooyda Jaaliyadda Melbourne oo ka adkaaday Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Benaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka Benaadir Stadium ayaa waxaa caawa cayaar saaxibtino ku dhexmartay cayaartooy ka socotay Jaaliyadda Soomnaaliyeed ee Wadanka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne iyo Xulka kubadda cagta ee Gobolka Benaadir, kuwaasi oo isu diyaarinaya tartanka kubadda cagta Maamul Goboleedyada ee dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadi ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ayaa ka qeyb galay cayaarta oo ka dhaceysay garoonka kubadda Cagta Koonis ee Degmada C/casiis.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022

Sidoo kale waxaa cayaarta caawa u soo daawasha tegtay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Benaadir.

Labada dhinac ayaa garoonka ku soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan oo soo jiidatay dhamaan dadkii ka qeyb galay, waxaana waqtigii loogu talaglay ay ku soo idlaaday bar bar dhac 0-0.

Labada koox ayaa loo dhigay min shan rigoore, iyadoo kooxda Melbourne ay tuurteen 5 rigoore balse ay iska lumiyeen hal oo kaliya, waxaana ay shabaqa ku hubsadeen 4 rigoore, si taa la mid ah Xulka Gobolka Benaadir ayaa tuurtay 5 rigoore, waxaana ay shabaqa ku hubsadeen 3 balse ay iska qasaariyeen labo, taasi oo ay ku dhamaatay 4-3 rigooreyaal.

Xuquuqda sawirada: Cabdiraxiin Maxamed Maxamud Kismaayo

Previous Post

Urur dhallinyaro ah oo u istaagay wacyi gelinta bulshada

Next Post

DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

Next Post
DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In