Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jawaahir Baarqab: Waa daciifnimada UGUS inay Muslimiin afuraya ku soo qaadaan weerar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jawaahir Baarqab:  Waa daciifnimada UGUS inay Muslimiin afuraya ku soo qaadaan weerar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin weerarkii fashilmay ee xalay kooxda UGUS ay ku qaadeen dad muslimiin ah oo isku diyaarinayay in ay afuraan kuwaas oo ku sugnaa Hoteellada Siyaad iyo Wehliye.

“waa Daciifnimada UGUS inay Muslimiin Afuraya ku soo qaadaan weerar iyaga oo Aad  ugu faraxsan inay laayaan dadkaas muslimka ah,  Hotellada Siyaad iyo Wehliye yaa ku sugan maciidanaa jooga waa Arrin Bareer Cad ah taas oo lagu laaynayo Shacabka Soomaaliyeed” ayey tiri Guddoomiye Jawaahir.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in   ka haween ahaan ay la shaqayn doonaan Ciidammadda qaranka ee marwalba u taagan Difaacidda Muslimiinta Soomaaliyeed ee dadka iyaga ka mid ka ah ee la baxay Shabaab  leynayaan.

Xalay  Xilli Ummadda Soomaaliyeed ay u fadhiyeen Afur  ayaa weerar u muuqda mid fashilmay waxa ay kooxda Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ku soo qaadeen hoteellada Siyaad iyo Wehliye oo ku yaala Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku sugnaayeen Dad Soomaaliyeed oo Afurayay.

Ciidammadda qaranka oo markasta u taagan bad’baadinta Bulshada Soomaaliyeed ayaa isku taagay in ay weerarkaas ka hortagaan iyaga oo bad’baadiyay in badan oo ka mid ah dadkii afurayay ee xalay shabaab ay soo weerareen.

Awoodda Qaran ee Bulshada Soomaaliyeed ay haystaan ayaa ah Ciidan Dacad iyo  Dadnimo isku darsaday kuwaas oo had iyo jeer Mudan in La Ammaano,  isla Markaana lala shaqeeyo si looga hortago cidwalba oo sida UGUS Umadda Dhibaataynaysa.

 

Previous Post

Dadkii laga soo badbaadiyay hoteelladii xalay la weeraray oo u mahadceliyay ciidamada

Next Post

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay waxa diinta Islaamku ka qabto weerarada lala beegsanayo dadka Muslimiinta ah ee Sooman+Dhageyso

Next Post

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay waxa diinta Islaamku ka qabto weerarada lala beegsanayo dadka Muslimiinta ah ee Sooman+Dhageyso

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In