Munaasabadan ay ku dooranayay gudoomiyaha cusub ee Ururka Iskaashatooyinka qaranka ee Beeraleyda Soomaaliyeed, oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Intii ay munaasabadu socotay ayaa waxaa lagu doortay gudoomiyaha Iskaashatooyinka Beeraleyda soomaaliyeed iyo ku xigeenkiisa waxaana munaasabada goob joog ahaa qeybaha kala duwan ee Beeraleyda Soomaaliyed iyo marti sharaf kale.
Maxamuud Abiikar Axmed oo ku guuleystay in loo doorto gudoomiyaha cusub ee ururka iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa ugaa mahad celiyay xilka culus ee loo doortay.
gudoomiyaha Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed Cad-ceed Cismaan Shuriyr oo ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay gudoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Beeraleyda Soomaaliyeed.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan DR C/casiis Dhega qool ayaa si wada jir ugu mahad celiyay xilka loo doortay gudoomiyaha cusub ee Beeraleyda Soomaaliyeed.
Mudooyinkan ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed waxey dadaal ugu jireen sidii loo Hormarin lahaa wax soo saarka Beeraleyda Soomaaliyeed.