Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah  ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Central Youth Link (CYL), ayaa maanta kulan wadatashi ah ugu qabtay degmada Cadaado odayaasha dhaqanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhaqanka qeybihiisa kala duwan, gaar ahaana odayaasha dhaqanka, nabadoonada, cuqaasha, iyo dhalinyaro ka kooban rag iyo dumar, waxaana kulankan ooΒ dadka soo xaadira ay ahaayeen 110 qof, diirada lagu saaray sidii ay qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada dhexe isaga wareysan lahaayeen halka uu marayo dhisidda maamul sameynta, iyo sidii ay talo iyo tusaalebaΒ  u siin lahaayeen dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda Iftin ee degmada Cadaado ayaa waxaa ka hadlay odayaal kala duwan kuwaasoo ka warbixiyay inta ay kala socdaan dhismaha maamul sameynta, waxayna xuseen in heer wanaagsan uu marayo yagleelida maamulka, iyaga oo rajo ka muujiyay inay soo baxdo natiijo wanaagsan.

Agaasimaha guud ee ururka isku xirka dhalinyarada (CYL), Mudane Cabdulqaadir Axmad Warsame oo madasha ka hadlay ayaa odayaasha iyo dhalinyarada ku baraarujiyay muhiimada talada dhaqanka iyo dhalinyarada, wuxuuna xusay in labadaasi qeybood ay udub dhexaad u yihiin bulsho kasta, sidaasi owgeedna ay uruurinayaan ra’yigooda, ayna u gudbin doonaan dhinacyada ku howlan maamul dhisida, si natiijada soo baxda ay u noqoto mid la wada leeyahay, lana ilaashado.

Xasan Qaasim Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa ku taliyay in ergooyinka shirka ay ansixiyaan oo kaliya Dastuurka maamulka gobolada dhexe, kadibna odayaashu ay soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka, si ay u doortaan madaxweynaha, si loo helo maamul rasmi ah oo aan kumeel gaar aheyn.

Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa looga tashaday sidii loo sixi lahaa waddada toosanna loo marin lahaa habka dhismaha maamulka, gaar ahaana xulista, odayaasha dhaqanka, ergooyinka, iyo xildhibaanada Β uu yeelan doono Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Galgaduud iyo Mudug.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa u suurtagashay ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed CYL, inay isku duwaan isla markaana uruuriyaan talooyin badan kuwaasoo ay la wadaagi doonaan qeybaha ay khuseyso maamul dhisida gobolada dhexe.

Hordhaca Talo-soo-jeedinta

Ø  In Ergada loo xil saaro ansixinta dastuurka oo kaliya, baarlamaankana ay odayaasha dhaqanku soo xulaan, kaddibna ay doortaan madaxweyne, si looga baaqsado samaynta Maamul KMG.

Ø  In la xareeyo odayaasha iyo ergada hartay, lana qanciyo beelaha aan wali soo xarayn odayaashooda iyo ergadooda.

Ø  In dhallinyaradu kaalin mugleh ku yeeshaan geeddi-socodka dhisidda maamulka gobollada dhexe, isla mar ahaantana ay qayb muuqata ku yeeshaan hoggaanka hay’adaha maamulkaas la dhisi doono.

Ø  In laga dhawro hab-socodka shirka faragalin kasta oo aan munaasab ahayn dhankay doontaba haka timaaddee

Ø  In cid kasta guddiga farsamadu uu noqdo mid bulshada ay heli karto, goorta ay rabaan si talo iyo tusaaleba loogu biiriyo, loogana saxo khalad kasta oo bulshadu dareento

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

 

Previous Post

Daawo Sawirro Xul ah Caleemasaarkii Baarlamanka Jubbaland

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay "Sawirro"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In