Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah  ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Central Youth Link (CYL), ayaa maanta kulan wadatashi ah ugu qabtay degmada Cadaado odayaasha dhaqanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhaqanka qeybihiisa kala duwan, gaar ahaana odayaasha dhaqanka, nabadoonada, cuqaasha, iyo dhalinyaro ka kooban rag iyo dumar, waxaana kulankan oo dadka soo xaadira ay ahaayeen 110 qof, diirada lagu saaray sidii ay qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada dhexe isaga wareysan lahaayeen halka uu marayo dhisidda maamul sameynta, iyo sidii ay talo iyo tusaaleba  u siin lahaayeen dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda Iftin ee degmada Cadaado ayaa waxaa ka hadlay odayaal kala duwan kuwaasoo ka warbixiyay inta ay kala socdaan dhismaha maamul sameynta, waxayna xuseen in heer wanaagsan uu marayo yagleelida maamulka, iyaga oo rajo ka muujiyay inay soo baxdo natiijo wanaagsan.

Agaasimaha guud ee ururka isku xirka dhalinyarada (CYL), Mudane Cabdulqaadir Axmad Warsame oo madasha ka hadlay ayaa odayaasha iyo dhalinyarada ku baraarujiyay muhiimada talada dhaqanka iyo dhalinyarada, wuxuuna xusay in labadaasi qeybood ay udub dhexaad u yihiin bulsho kasta, sidaasi owgeedna ay uruurinayaan ra’yigooda, ayna u gudbin doonaan dhinacyada ku howlan maamul dhisida, si natiijada soo baxda ay u noqoto mid la wada leeyahay, lana ilaashado.

Xasan Qaasim Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa ku taliyay in ergooyinka shirka ay ansixiyaan oo kaliya Dastuurka maamulka gobolada dhexe, kadibna odayaashu ay soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka, si ay u doortaan madaxweynaha, si loo helo maamul rasmi ah oo aan kumeel gaar aheyn.

Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa looga tashaday sidii loo sixi lahaa waddada toosanna loo marin lahaa habka dhismaha maamulka, gaar ahaana xulista, odayaasha dhaqanka, ergooyinka, iyo xildhibaanada  uu yeelan doono Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Galgaduud iyo Mudug.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa u suurtagashay ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed CYL, inay isku duwaan isla markaana uruuriyaan talooyin badan kuwaasoo ay la wadaagi doonaan qeybaha ay khuseyso maamul dhisida gobolada dhexe.

Hordhaca Talo-soo-jeedinta

Ø  In Ergada loo xil saaro ansixinta dastuurka oo kaliya, baarlamaankana ay odayaasha dhaqanku soo xulaan, kaddibna ay doortaan madaxweyne, si looga baaqsado samaynta Maamul KMG.

Ø  In la xareeyo odayaasha iyo ergada hartay, lana qanciyo beelaha aan wali soo xarayn odayaashooda iyo ergadooda.

Ø  In dhallinyaradu kaalin mugleh ku yeeshaan geeddi-socodka dhisidda maamulka gobollada dhexe, isla mar ahaantana ay qayb muuqata ku yeeshaan hoggaanka hay’adaha maamulkaas la dhisi doono.

Ø  In laga dhawro hab-socodka shirka faragalin kasta oo aan munaasab ahayn dhankay doontaba haka timaaddee

Ø  In cid kasta guddiga farsamadu uu noqdo mid bulshada ay heli karto, goorta ay rabaan si talo iyo tusaaleba loogu biiriyo, loogana saxo khalad kasta oo bulshadu dareento

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

 

Previous Post

Daawo Sawirro Xul ah Caleemasaarkii Baarlamanka Jubbaland

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay "Sawirro"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In