Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa in manta uu ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doono Dowladda Qadar.
Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geysteen dad ku cibaadeysanayo Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisa ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta