Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Jubbaland oo xoojiyay iskaashiga Horumarinta mashruuca Sagal

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Jubbaland oo xoojiyay iskaashiga Horumarinta mashruuca Sagal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa mashruuca Sagal iyo la-taliyaal sare oo ka tirsan mashruuca ayaa toddobaadkan booqday magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Wada-hadallo ay la yeesheen Wasaaradda Shaqada ee Jubbaland iyo hayโ€™adda NRC ee gaarsiinaysa Bulshada taageerrada ay ka helayaan mashruuca Sagal ayaa lagu gaaray Horumarinta mashruuca.

Jubbaland, waxaa ka billaabanaya diiwaangelinta ka faaโ€™iideystayaasha qeyb kale oo ka tirsan mashruuca oo taageerro dhaqaale siinaya Dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Shaqada ee Jubbaland , Mudane Maxamed Axmed Cali oo Talaadadii xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa mashruuca iyo la-taliyaha sare ee ka tirsan mashruuca ayaa sheegay inay Jubbaland gacan ka geysanayso horumarinta mashaariicda taageerraya Bulshada , wuxuu markaa tilmaamay barnaamijka Sagal oo ah mashruuc ay Dawladda fulineyso inuu door weyn ka qaadanayo ka jawaabida xaaladda baniโ€™aadanimo ee ka jira gobolka.

Madaxa mashruuca Sagal , Maryan Maxamed Kaahiye ayaa dhankeeda sheegtay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka Soomaaliya ay ka goโ€™antahay sidii shacabka loo gaarsiin lahaa taageerrada bulsho.

Mashruuca Sagal ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federaalka Soomaaliya , waxaana lacago caddaan ah ka hela Dadka nugul gaar ahaan, qeybo ka mid ah hooyooyinta uurka leh, kuwa Carruurta korinaya , Dadka daโ€™da ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool deegaanno ka tirsan dhammaan Dawlad-gobolleedyada dalka.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo weeraray goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab

Next Post

Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Next Post
Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In