Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 21, 2024
in Wararka
0
Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
Aa
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO
GudahaMaqaallada

Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO

ByRuush AbdullahiJuly 21, 202410 Min Read
Share

Bani’aadamku waa marqaatiga Alle ee Ifka jooga. Qofka Ahlukheyrka ah Uunka oo dhan ayaa wada jeclaada. Sheekh Cismaan saaka waxaa laga sagootiyay caalamkii uu sannadaha badan samaha iyo kheyrka ka waday. Safaf dhaadheer oo dad heer walba bulshada ka jooga ah ayaa xaadiray salaaddii Janaasadda oo saacado badan socotay si loo kala gaaro axbaabtii Sheekha oo u soo qulqulayay haleelidda fursadda qiimaha badan ee sagootinta mid ka mida dadkii ugu fadliga badnaa ee casrigan noolaa. Sidii ifka looga jeclaa in Aakhiro looga jeclaan doono ayaan u rajaynayaa.

Sannadkii 1940-kii ayuu ku dhashay meel la yiraa Dahar Aw-Dhiblaawe oo ah baaddiyaha magaalada Ceeldheer ee Bariga gobalka Galgaduud. Waxa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusow oo ahaa caalim weyn, halgamaa iyo hoggaamiye caan ka ahaa goballada dhexe oo diin-fidinta iyo difaaca dadkaba hormuud u ahaa. Sheekh Cismaan-xiddig, isaga oo 5 jir ah ayaa loo billaabay duruusta Qur’aanka. Macallinkiisa waxaa la dhihi jiray ‘Macallin Baay’. ‘Magaca Baay’ waa Usha Ardayda lagu karbaasho. Macallin gacan kulul oo Qur’aanka si fiican looga barto ayuu ahaa.

Mar taariikhda Sheekha laga sheekeynayay, waxaa asaga laga soo xigtay in waagaas uu qur’aanka baranayay uu gaaray heer uu labada dhinacba u seexan waayo xannuunka jeedalinta macallinka dartiis. Waxaysa ahayd billowga ad-adayg, adkeysi iyo u-go’idda barashada diinta oo ka caawisay inuu isagoo aad u da’ yar fahmad fiican yeesho culuum badan oo diineedna barto. Markii uu 10 jir noqday ayaa loo soo wareejiyay magaalada Ceeldheer. Waxa uu ku biiray xerta adeerkiis Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, halkaas oo looga billaabay barashada culuumta diinta, gaar ahaan Axkaamta iyo Naxwaha.

Intaas ku ma uusan ekaanin, ee barashada diinta waxa uu ugu xereystay culumo kale oo waaweyn, sida Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo uu dhowr sano magaalada Marka la joogay, asagoo u ahaa arday iyo muriid daacad ah oo si fiican uga soo diin-qaatay. Sheekha waxa uu yaraantiisii billaabay in uu ka saahido dhalaalka iyo dheregta adduunka. Wuxuu yeeshay dabeecado raad ku reebay noloshiisa iyo caafimaadkiisaba. Waxa uu ahaa mid gaajada iyo hurdo-la’aanta la saaxiib ah,  waxaana la sheegay illaa markuu Ceeldheer Ardayga ku ahaa inuu maalintiina soomi jiray, habeenkiina Salaatu-Leyl iyo cibaado ku soo jeedi jiray. Waxaa dhici jirtay in maalmo badan marka uu masaajid ku jiro ay waalidkiis soo raadin jireen oo ku canaanan jireeen inuu Guriga yimaado oo Raashin fiican ka soo cuno.

Hab-nololeedkaas Alle-u-go’idda ah ee nasashada iyo nolosha raaxada leh ka fog waxa ay Sheekha ka dhigtay mid astaan u noqda dhowr-sanaanta iyo in aysan adduunyadu aheyn meel u qalanta in lagu kadsoomo oo darteed loo Aakhiro-seego. Waxa uu Sheekhu ahaa barbaariye si weyn isaga xilsaaray hagaajinta Ummadda. Waxa uu noloshiisa u huray soo-saarista kummanaan xertiisa ah, kuwaas oo uu daryeelkooda iyo diin-baristooda ka dhigtay mudnaanta koowaad ee noloshiisa.

Dhanka kale, nolosha adag ee istareexa ka fog oo uu Sheekhu naftiisa ku soo carbiyay waxa uu ka dhaxlay xanuunno intii dambe ee cimrigiisa ahaa la soo socday. Waxa uu noqday mid muuqaal ahaan da’diisa si aad ah uga weyn. Hadda oo uu 84 jir ku geeriyooday, dad badan ayay la ahayd in uu boqol xiray. Wax-soo-saarkiisa aqooneed oo aan tiro lagu koobi karin waxay isugu jiraan jiilal badan oo caalimiin ah, goobo cilmiga lagu barto oo meela badan ku yaalla, iyo kutubta uu qoray oo maraajic u ah dadka funuunta kala duwan ee cilmiga diinta ku foogan oo Soomaali iyo Ajaanibba leh. Kutubtaas waxaa ka mida kuwa sawirka hoose ka muuqda.

Previous Post

Israel oo duqeysay Gaza, Yemen iyo Lubnaan

Next Post

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Next Post
Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In