Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Waa kuma dalka dadkiisa aysan aqoonsaneyn muhiimadda waqtiga?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Afrika, Barnaamijyada, Caalamka, Maqaallo, Maqal Iyo Muuqaal, Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Ghana waa dal dadkiisa ay ku fanaan in aanay ku imaan waqtigii loogu talagalay xilliyada la balama! waa maxay sababta?

Shacabka Ghana waxay caan ku yahiin la jaanqaadid  iyo dhawrs la’aanta waqtiga, siyaasiyiintooda mar walba waxay  ka soo daahaan balamada muhiimka ah, iyaga oo aan waxba kaga duwneen dadka Caamada ah ee aan aqoonin muhiimadda Waqtiga.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sida ay u badanyahiin dadka reer Ghana ma eegaan Saacadda xitaa haddii ay gacanta ugu xirantahay, taasoo ay ka aaminsanyahiin tilmaan ay ku amaananyahiin.

In mas’uuliyiintooda ay ka soo daahaan balamada waa mid caadi ah oo Ghana laga aqbali karo, waxaana markasta la filan karaa in ay goor dambe yimaadaan kulamada muhiimka ah.

Arrinkan ayaa markasta sameeyn ku yeesha dib u dhaca  go’aanada  Golaha Xukuumadda iyo guud ahaan hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Jamhuuriyadda Ghana waa waddan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika, waxuuna Xeeyn daab la leeyahay waddamada Burkina Faso, Togo, iyo Ivory Coast, Magaalo madaxda Ghana waa Akra (Accra), tirada dadka reer Ghana waxaa lagu qiyasaa 30 milyan oo Ruux oo qowmiyado kala duwan ah.

Dalka Ghana waxuu xorniiyadiisa ka qaadatay dalka Ingiriiska  sanadkii 1957-kii, Afka rasmiga ah  ee looga hadlo dalkaas waa Ingiriis.

Dhaqaalaha Ghana wuxuu ku tiirsan yahay dhoofinta Macdinta ceeriinta ah, sida dahabka, sidoo kale miraha kookaha iyo Alwaaxyada ayaa dalkaasi laga dhoofiyaa.

Astaanta kowaad ee lagu garan karo dadka ree Ghana waa dib u daca dhanka waqtiga oo ay waliba ku fanaan.

Wasiirkii hore ee Taclinta sare ee Ghana Elizabeth Oheini, oo arrinkan ka hadleeysay xilli ay ka hadleysay Wasiirkii Cayaaraha Japan Youshitaka Sokurada oo ka cudur daaranayay Sedex daqiiqo oo uu ka soo daahay shirka Golaha Wasiirada ee dalkiisa ayaa tiri: “Waxaan aad ula yabanahay Wasiirkan ka soo daahay fadhiga Golaha Wasiiradda, wax ka yar shan daqiiqo, anagana waxaan soo daahnaa wax ka badan saacad barkeed iyo ka badan, taana waa tilmaanteena”.

Waa arrin iska caadi ah in madaxda kala duwan ee Ghana ay kulamada lagu balamay ka soo dib dhacaan saacad iyo ka badan, taasi oo wali u muuqato mid aan waxba leyska weydiinin, waxayna taasi dhaxalsiisay diblomaasiyiinta dalkaasi jooga in ay la qabsadaan caadadaan aadka u xun ee ay qabatimeen dad reer Ghana.

Madaxweynahii hore ee Ghana John Kufuor, ayaa isku dayay inuu baddalo caadada ku saabsan dhawris la’aanta waqtiga, balse dhamaan isku dayadii uu sameeyay waxaa dhabar jabiyay Xukuumadda iyo siyaasiyiinta dalkiisa, kuwaas oo ay ka dhaqan gali waysay wax ka badalida dhawrista waqtiga lagu balamay shirarka muhiimka ah.

Sidokale Madaxweynaha hadda ka arrimiyo Ghana Nana Akufo Addo ayaa balan qaaday inuu wax ka badali doono dib u dhaca waqtiga ee lagu eedeeyo dadkiisa, arrinkaas waa loo wada riyaaqay balse asaga ayaa ka soo daahay sedaxdii shir ee ugu horeeysay, sidaana waxaa meesha kaga baxay balankii wax ka qabashada dayacaadda waqtiga Ghana.

Halkan kala soco Warbixinta 

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaranka oo tallooyin ka dhageystay Ururada Bulshada Rayidka ah

Next Post

Yuusuf Dabageed oo isbitaalka ku booqday sarkaal ku dhaawacmay dagaalkii Beledweyne

Next Post
Yuusuf Dabageed oo isbitaalka ku booqday sarkaal ku dhaawacmay dagaalkii Beledweyne

Yuusuf Dabageed oo isbitaalka ku booqday sarkaal ku dhaawacmay dagaalkii Beledweyne

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In